Bilad sanadleh ah laguna maamusayo Hodan Nalayeh oo la bixinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanad kasta ay bixin doonto abaalmarin lagu maamusayo wax-qabadkii Hodan Naaleayeh.

Marxuumada oo kamid ahayd 26 ruux oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku beegsatay huteel Cascasey waxaa la dhintay seygeeda, Jaamac Fariid oo wasiir kasoo noqdey Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxaasi is-miidaaminta ah, kaasi oo noqonaya midkii ugu cuslaa oo ay Kismaayo ka geysato tan iyo markii laga saarey 2012-kii.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo bartiisa Twitter-ka kaga dhawaajiyey abaalgudkan, ayaa tilmaamay in la siinayo qurba joogta dalka wax ku tarta.

Shaacintan oo timid saddex maalmood kadib marki ay musiibado dhacday ayaa aad loosoo dhaweeyay.

"Sanad kasta ayaan u aqoonsan doonaa Soomaalida qurbajooga ah ee wax wanaagsan ku tarta [dalka]," ayuu yiri wasiirka, oo aanan soo bandhigin taariikhda si rasmi ahaan loo bixinayo.

Hodan ayaa Canada oo ay jinsiyada labaad ka haysatay uga soo tagtay si ay u baahiso sheekooyinka fiican ee gudaha dalkeeda hooyo, waxaana geerideeda ay taabatay dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM