Bilad sanadleh ah laguna maamusayo Hodan Nalayeh oo la bixinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in sanad kasta ay bixin doonto abaalmarin lagu maamusayo wax-qabadkii Hodan Naaleayeh.

Marxuumada oo kamid ahayd 26 ruux oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab ku beegsatay huteel Cascasey waxaa la dhintay seygeeda, Jaamac Fariid oo wasiir kasoo noqdey Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda qaraxaasi is-miidaaminta ah, kaasi oo noqonaya midkii ugu cuslaa oo ay Kismaayo ka geysato tan iyo markii laga saarey 2012-kii.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, oo bartiisa Twitter-ka kaga dhawaajiyey abaalgudkan, ayaa tilmaamay in la siinayo qurba joogta dalka wax ku tarta.

Shaacintan oo timid saddex maalmood kadib marki ay musiibado dhacday ayaa aad loosoo dhaweeyay.

"Sanad kasta ayaan u aqoonsan doonaa Soomaalida qurbajooga ah ee wax wanaagsan ku tarta [dalka]," ayuu yiri wasiirka, oo aanan soo bandhigin taariikhda si rasmi ahaan loo bixinayo.

Hodan ayaa Canada oo ay jinsiyada labaad ka haysatay uga soo tagtay si ay u baahiso sheekooyinka fiican ee gudaha dalkeeda hooyo, waxaana geerideeda ay taabatay dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM