Boogaha ay tahay in uu ka dhayo hogaanka cusub ee Soomaaliya

Image
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 15-kii May, 2022 waxaa mar kale loo doortey madaxweynaha Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Abukaate Zakariye Yuusuf oo la hadlay Garowe Online Twitter Space ayaa sharaxay Fursadaha iyo caqabadaha horyaala dowladda cusub ee uu hoggaamiye madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka dib isbadalka Axadii ka dhacay Soomaaliya.

Abuukaataha ayaa sheegay in ay jiraan caqabado xooggan oo ay tahay in maskaxda lagu haayo in dowladaan iyo dowladaha ku xigaba aysan si buuxda u xalin Karin caqabadihii ka dhashay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

“Caqabadaha dowladaan madhamayn karto balse waa yarayn kartaa waa in aan sidaas u ogaanaa” ayuu yiri isaga oo hadalkiisa ku daray “ isaga oo hadalkiisa ku daray “caqabadaha waxaa ka mid ah Amniga hadii aan waxba laga qabana shaqooyinka kale ma soconayaan”.

“Mala samayn karo wax horumar ah hadii aan la helin dib u heshiisiin iyo amniga” ayuu hoosta ka xariiqay abuukaataha.

“Hadii aan la dhamaystirin dastuurka dalka markaste waxaa sahlan in ay isku dhacaan madaxda dowladda iyo kuwa kuwa dowlad-goboleedyada dalka” ayuu yiri.

Abukaate Zakariye Yuusuf ayaa sheegay in dowladu aysan 100-ka maalin ee soo socota aysan ku qaban Karin shaqada looga fadhiyo balse ay tahay in ugu yaraan labada sano ee ugu horaysa ay qabtaan dhamaystirka dastuurka iyo dhismaha asxaabta siyaasadeed ee dalka.

Soo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud ee xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo afjaraysa Isbahaysigii Saddex goosood ahaa ee khalalaasaha ka waday geeska Afrika kaas 2018 ka soo ifbaxay geeska Afrika ka dib wada hadalo ay Itoobiya ku yeesheen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki Aabaha isbahaysiga oo 30 sano Asmara xukumayay 30 sano bilaa dastuur ahaan iyo haldoorasho.

Falanqeeye-yaasha ayaa fahamsan in soo laabashada Xasan Sheekh Maxamuud uu dib u habeyn ku samayn doono xiriirka ay colaaduhu ragaadiyeen ee kala dhexeeya dalalka dariska ah ee Ereteriya iyo Itoobiya, taasoo saameyn ballaaran ku yeelan doonta gobolka Geeska Afrika.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo 66 jir ah, oo Soomaaliya soo maamulayay 2012 ilaa 2017, ayaa wareegii ugu dambeeyay ee codbixinta dib ugu soo ceshaday xilka 15-kii May isaga oo ka  adkaaday Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo loo yaqaan Farmaajo, halka Farmaajo uu xiriir dhow la yeeshay Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Ereteriya.

GAROWE ONLINE

Related Articles