Booliska Muqdisho oo xiray dhalinyaro lagu eedeeyay rabshado, mucaaradka oo cambaareeyay
MUQDISHO, Soomaaliya — Booliska magaalada Muqdisho ayaa xiray dhowr dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen baraha ammaanka isla markaana ku lug lahaayeen falal rabshado wata, sida ay saraakiishu sheegeen Jimcihii, iyadoo siyaasiyiin mucaarad ah ay cambaareeyeen xariggaas kuna tilmaameen mid siyaasadaysan.
Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dhalinyarada lagu qabtay goobaha ammaanka kaddib markii lagu eedeeyay inay sameeyeen falal halis gelin kara amniga guud, xasilloonida iyo isu socodka caasimadda.
Booliska ayaa sheegay in baaritaanno hordhac ah ay socdaan, isla markaana eedeysanayaasha loo gudbin doono maxkamadaha ku shaqada leh. Hay’adaha ammaanka ayaa sidoo kale sheegay inay weli baadi goobayaan shaqsiyaad kale oo lala xiriirinayo falalkaasi.
Mas’uuliyiinta ayaa uga digay shacabka waxa ay ku tilmaameen “falal abaabulan oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida caasimadda”, iyagoo xusay in aan la oggolayn bannaanbaxyo ama isu imaatin aan fasax looga haysan laamaha ammaanka.
Dhanka kale, mudane Abdirahman Abdishakur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga dhalinyarada, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay tahay mid lagu caburinayo aragtida siyaasadeed ee dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in lix dhalinyaro ah loo xiray ka qeybgalka bannaanbax nabadeed ka dhacay Muqdisho, isla markaana tirada guud ee dhalinyarada ay dowladda Hassan Sheikh Mohamud xirtay ay gaareyso 15 qof.
“Xarigga dhalinyarada aragtidooda si nabad ah u cabbiraya wuxuu muujinayaa cabsida sii kordheysa ee dowladda Xasan Sheekh ka qabto baraaruga iyo codka dhalinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.
Wuxuu ugu baaqay dowladda inay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ku sii deyso dadka la xiray, islamarkaana ay joojiso waxa uu ku tilmaamay xarigyo siyaasadaysan iyo cabsi gelinta dhalinyarada.
Xariga ayaa kusoo aadaya iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka jirto Muqdisho kadib markii ay fashilmeen wada-hadallo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo mucaaradka oo ku saabsanaa doorashooyinka, wax-ka-beddelka dastuurka iyo hannaanka kala guurka siyaasadeed ee dalka.
GAROWE ONLINE