Booliska oo fahfaahiyey weeraradii ka dhacay caasimadda

Image
Soomaaliya waxaa hada ka socota doorashadda 275 xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Shacabka

MUQDISHO, Soomaaliya – Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho sheegtay in kooxda Al shabaab ay weerar ku soo qaaday xalay saldhig boolis oo ku yaalla degmada Kaxda iyo bar kontrool oo ku taalla xaafadda Daaru Salaam ee magaalada Muqdisho.

Xasan ayaa shaaca ka dhigay in weerarka Argagixiso ee ka dhacay Degmada Kaxda loo adeegsaday Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, balse ciidamo gurmad ah loo diray degmada si ay xoojiyaan askarta saldhiga joogtay.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo aan soo bandhigin hadii dagaalka khasaaro ka soo gaaray ayaa sheegay in howlgal xigay weerarka lagu soo qabtay dad ku eedeysan in ay qayb ka ahaayeen dagaalka ka dhacay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

“Weerarka ka dhacay Degmada Kaxda waxaa waxyeello kusoo gaartay Dad rayid ah & dhismaha Saldhigga Degmadaas, Ciidamada ayaa sameeyay howlgallo ka dhan ah kooxaha weerarka soo qaaday” ayuu yiri isaga oo warfidiyeenka ku hadlaayay caasimadda Soomaaliya.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa intaas ku daray in Ciidamo katirsan DFS & Dad rayid ah dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen weerar kale oo ka dhacay Deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho.

“Daarusalaam weerarka ka dhacay waxa ay waxyeello kasoo gaartay ilaa 16 ruux oo Shacab ah oo dhaawac soo gaaray, waxaana u xannuun badan ilaahaye ha u naxariistee labo Gabdhood oo yar, saddex Askari oo Booliis, Miliatari & kooxaha ka shaqeeya nabadgalyada ayaa waxyeello ku gaartay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Cabdullaahi Maxamed Nuur, wasiirka amniga xukumadda xilgaarsiinra ah ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay sameeyeen iska caabin xoogan, isla-markaana dowladda ay la wadaagi doonto saacadaha soo socdo khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarada ka dhacay Muqdisho ayaa shaacisay in ay qabsatay Gawaari ay leeyihiin Ciidamada Dowladda Federaalka, halka ay burburiyeen Saldhigga Booliiska Degmada Kaxda.

Saraakiisha amaanka ayaa u  sheegay Garowe Online in Al Shabaab ay suurta gashay in ay la wareegaan saldhiga halkaasna ay ka kaxaystaan labo gaari oo ah kuwa dagaalka mana cada khasaaraha weerarka ku gaaray kooxda.

Soomaaliya waxaa hada ka socota doorashadda 275 xildhibaan ee uu ka kooban yahay Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka, waxana kursigiiba ka codeyn doona 101 ergo sida uu dhigayay heshiiskii golaha wadatashiga qaran caqabada ugu wayn ee wajahayaan waa amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo is-dhaafsanaya khibradaha dhanka amniga

Xamsa ayaa dalka Baxreyn kula kulmay Madaxweynaha Dalka Ciraaq, Abdul Latif Rashid.

  • Soomaliya

    16-05-2024

  • 03:28AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ubax dhigay taalada SYL ee Muqdisho

Talaabadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay xuska 81-sano guurada kasoo wareegatay aas-aaska SYL.

  • Soomaliya

    15-05-2024

  • 12:45PM