Booliska oo sheegay in uu baajiyey kulankii Golaha Shacabka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha booliska gobolka Banaadir, Saadaq John oo kasoo muuqdey muuqaal lagu faafiyey idaacadaha la iska arko ee Soomaalida, ayaa sheegay in bileyska uu baajiyey kulankii maanta lagu madlanaa in uu yeesho Golaha Shacabka.

Xildhibaanadda waqtiga ka dhamaadey ayuu ku tartarsiiyey "in ay kalsooni u doontaan degaanadooda".

Ra'iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayuu ugu baaqay in uu "mas'uuliyadiisa qaato" dalkana u horseedo doorasho, kuna kaabto wadaxaajoodyadda ku qabsoomaya Afasiyooni

"Looma baahno in adiga wax laguu yeeriyo. Waa in aad adiga wax yeerisaa," ayuu Saadaq John ku daray, isaga oo Rooble ku sifeeyay "mid awood iyo karti u leh" u waddanka ka bixiyo jahwareerka uu haatan wajahayo.

Saadaq John oo ku nuux-nuux-saday in ciidanka uusan aqbali doonin in waddanka "khalkhal la geliyo" ayaa si dadban u sheegay in ay awooda la wareegayaan "haddii hogaamiyeyaasha ku fashilmaan in ay heshiiyaan".

Kulanka Golaha Shacabka oo habeenimadii Axada la iclaamiyey ayaa mudaneyaasha lagu wargeliyey in ajandaha uu yabay ka doodista mooshin ku saabsan doorashooyinka Qaranka.

Mucaaradka oo walaac ka muujiyey is-aragan waxay sheegeen in muddo kordhin loogu sameynayo hay'addaha dowliga ah ee muddo xileedkooda uu dhamaadey.

Shaacinta fadhigan ayaa kusoo hagaagtay iyaddoo ay socdaan dedaalo dhinacyo kala duwan ku doonayaan in ay xal waara loogu helo is-mari-waa doorashooyinka loo madalsanaa dhamaadka 2020 iyo horaanta 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gollaha Wasiirada oo xilkii ka qaaday Mustaf Dhuxulow, magacaabayna agaasime cusub

Idow ayaa ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee sida weyn ugu lugta lahaa geedi-socodka wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:50PM

Jarmalka: Dagaalka Iran wuxuu reebi doonaa burbur dhaqaale oo raad dheer

Waxaan dhimaynaa canshuurta tamarta ee naaftada iyo batroolka qiyaastii 17 senti oo Yuuro halkii litir muddo laba bilood ah.

  • Soomaliya

    13-04-2026

  • 01:40PM