Booliska Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyay nin xaaskiisa ku gubay Muqdisho

Image
Booliiska ayaa falkaas ku eedeeyay ninkii qabay marwadaas.

Muqdisho, Soomaaliya - Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin ka bixiyay nin xaaskiisa ku gubay degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho arrimo la xariira Maseyr dartiis.

Afhayeenka ayaa yiri: “Abbaare 10-kii iyo 25 daqiiqo ayaa waxaa degmada Dharkenleey gaar ahaan waaxda labaad lagu gubay dhibbane hooyo Luul Sheekh Cabdi oo ahayd marwo hooyo ah, xaas ah isla markaana xaamilo ahayd".

Booliiska ayaa falkaas ku eedeeyay seygeedii oo lagu magacaabo Sayid Macallin Daa’uud oo ah ninkii qabay marwadaas.

Dadka deegaanka ayaa sheeegay in ninkan uu xaaskiisa oo Xaamilo ah ku soo xiray qol ka dib dab qabadsiiyay isaga oo isla markii ka cararay goobta.

Dadka dariska la ah ayaa ku soo baxay qeylada marwada iyo caruurteeda, iyaga oo durba bilaabay inay u gurmadaan, waxaana loo qaaday mid ka mida isbitaallada magaalada, iyada oo la il daran dhaawacyo halis ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM

Xasan Sheekh oo su'aal geliyay xuquuqda Muwaadinimo 10 milyan oo Soomaali ah

Tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee NIRA, waxaa kaarka aqoonsiga qaatay ilaa nus milyan oo qof.

  • Soomaliya

    19-09-2025

  • 06:19PM