Booliska Soomaaliya oo shaqsiyaad u soo xiray qaraxii Aargada Liido

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska ayaa wuxuu shaaciyey in lasoo xiray afar ruux oo la tuhunsan yahay kuwaasoo lala xiriirinayo qaraxii ka dhacay Aargada Liido, maqribinimadii Isniinta.

Qaraxaasi oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamida xaafadaha magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa nan geysan khasaasho dhimasho ama dhaawac, sida ay laamaha amaanka sheegeen.

Shaqsiyaadkaan xabsi la dhigay ayaa lagu waramayaa in ay ka akdhowaayeen goobta uu gaarigu ku qarxay oo ah Aargada xeebta Liido, kana tirsan degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Xubnahaan ayaa la filayaa in su'aalo lagu waydiiyo xarumaha dambi baarista ee kahor inta aanan dib xorriyadooda loogu celin kuwa lagu waayo caddeymo ku aadan in ay falka wax ka ogaayeen.

Ma jirto illaa iyo haatan koox dusha saaratay mas'uuliyadda weerarkaasi, oo qayb ka ah falal liddi ku ah nabad-gelyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay martigelineysa magaala madaxda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo Ramadaantii kordhisa howlgalada xagjirnimada ah ee ay ka fuliso magaalada Muqdisho ayaa tan iyo bilowgii Soonkan waxay geystay dilal qorsheysan oo ay ku beegsato dad wax galka ah.

Afartan iyo sideedii [48[ saac ee lasoo dhaafay waxay dishay saddex Odey dhaqameed oo ay ku jiraan kuwa da' ah xili mid kamida ay ku dhex-khaarijisay Masjid ku yaala xaafada Juungale ee degmada Yaqshid.

Kadib dhacdooyinkaasi ra'iisul wasaare Khayre oo shir degdeg ah isugu yeeray laamaha amaanka ayaa gudoomiyey kulan looga hadlay amniga caasimada oo xukuumadiisa ay ku fashilantay in ay wax ka qabato.

Todobaadkii hore ayay ahayd kadib markii qarax is-miidaamin oo ka dhacay nawaaxiga madaxtooyada lagu dilay in ka badan 20 qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin hore.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Dagaal oo Ka Soo Cusboonaatay Xuduudka Itoobiya Iyo Eritrea

Tallaabadan ayaa ku soo beegmeysa xilli weli ay taagan yihiin khilaafaadkii ka dhashay…

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 04:48PM

Sarkaal Sare oo Boolis ah oo Ka Badbaaday Qarax Muqdisho Ka Dhacay

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay hay’adaha ammaanka Soomaaliya wadaan dadaallo ay ku xoojinayaan amniga caasimadda.

  • Soomaliya

    20-02-2026

  • 11:50AM