Booliska Soomaaliya oo taageero dheeraad ah waydiistay Turkiga

Image
Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Labada dhinac ayaa waxay kawada hadleen xoojinta xiriirka Booliska iyo Safaaradda oo Dawladda Turkiga masuul uga ah taageerada ciidamada Booliska Soomaaliyeed, sida dhinacyada tababarrada, taakulada iyo kor u qaadista aqoontooda.

Taliye Asad Cismaan oo dowladda Turkiga uga mahadceliyey taageerada iyo tababar siinta ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa safiirka kala hadlay dib u habeynta, kordhinta tirada, agabka iyo dhismaha xarun u gaar ah ciidamada Haramcad oo qayb ka ah Booliska Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM