Booliska Soomaaliya oo xiray qof ka ganacsadey "agab sharci darro ah"

Image
Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Ciidanka Booliska ee Gobalka Banaadir, gaar ahaan Saldhigga Booliska degmada Howlwadaag ayaa soo qabtay eedeysane Cabdullaahi Maxamed Daahir oo loo heysto ka ganacsiga agab sharci darro ah oo dalka laga mamnuucay.

“Eedeysanaha waxaa ku socota baarista Booliska, waxaana la horgey doonaa Maxakamadda awoodda u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliska.

Cabdullaahi ayaa loo heystaa inuu Bacda halka mar la adeegsado ka ganacsanayey, taas oo dalka laga mamnuucay, Booliska Soomaaliya ayaa uga digay ganacsata iyo guud ahaan Soomaaliyeed ka ganacsiga Bacaha iyo isticmaalkeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM