Booliska UK oo Soomaaliya ugu yeeray "meel aan la maamulin"

Image
Bileyska ayaa hadalkan sheegay xilli uu ka digay in coladada Ukraine "ay fursad u abuurto argagixisada".

LONDON, United Kingdom - Booliska dalka Ingiriiska ayaa Soomaaliya ku tilmaamay "meel aysan cidna ka talin" xilli uu ka digayay in colaada Ukraine ay fursad u noqoto "gacan ay ku koraan kooxaha argagixisadda ah".

Kaaliyaha Taliyaha Bilayska UK, Matt Twist, ayaa rumeysan in kooxaha argagixisadda ah ay "ka macaashi karaan hubka iyo rasaasta lagu adeegsanayo duulaankan uu Ruushka ku qaadey dalka ay dariska yihiin.

Twist ayaa intaas ku daray in laamaha ammaanka Boqortooadda iyo wadamadda kale ee saaxiibadda la ah ay sameynayaan "wax kasta oo ay uga hortagayaan dagaalkan oo ah caqabad caalami ah".

"Duulaanka Ruushka kaliya ma ahan caqabad caalami ah. Balse wuxuu halis ku yahay meelaha aysan jirin cid maamusha oo ay kamid yihiin Afgaanistaan, Suuriya iyo Soomaaliya," ayay kasoo xigatay Daily Mirror.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, Twist ayaa carabka ku adkeeyay in ay aad uga feejigan yihiin "talaabooyin aargoosi ah oo laga yaabo in Moscow ay ku beegsato shaqsiyaad Britain ah sababo ku aadan xayiraadaha dhaqaale".

Dhawaqa booliska Ingiriiska ayaa imaanaya iyadoo Ukraine ay ka socoto afti horseedi karta in Moscow ay la wareegto boqolkiiba 15 dhulka dalkaasi, sidda laga soo xigtey warbixinta majaladda.

Codbixinta gobollada bari ee Luhansk, Donetsk, Kherson iyo Zaporizhzhia ayaa billaabatay Jimcihii todobaadkan iyadda oo reer galbeedka ay ku tilmaamay "afti been abuur ah".

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Putin ayaa waxay ku dhawaaqday natiijooyin xiligooda kasoo horumaray, iyadoo sheegtay in dhammaan gobollada ay u codeeyeen ugu yaraan 97 boqolkiiba in Ruushka lagu daro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

OIC oo si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, taageerayna midnimada Soomaaliya

Sacuudi Carabiya, Masar iyo Pakistan ayaa ku tilmaamay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland mid sharci-darro ah oo halis ku ah amniga gobolka.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:42AM

Fiqi oo ka digay qorshaha Israel ee dalka Soomaaliya 

Hadalka wasiirka ayaa daba socda xiisad ka dhalatay go’aankii Israa’iil ay 26-kii Diseembar ku aqoonsatay madax-bannaanida Somaliland.

  • Soomaliya

    11-01-2026

  • 09:14AM