Boqor Buurmadow oo ka hor-yimid talaabo uu qaaday Rooble

Image
Labada nin ayaa horey isugu qabtey qaabka loo maareynayo kuraasta goboladda waqooyi.

MUQDISHO, Soomaaliya – Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ayaa ka hadlay dabkii xooganaa ee ka ka kacay suuqa magaalada Hargeysa iyo jawaabta ay ka bixisay dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka dhaliilay sida go’aanka Rooble ku fasaxay lacag ku jirtay bangiga dhexe ee dowladda.

Boqor Buurmadow oo la hadlay Telefishinka Horn Cable ayaa marka hore si weyn uga yimid lacagta uu ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble amaray in loo fasaxo Somaliland, taas oo aheyd mid horey uga timid deeq bixiyeyaasha caalamka, balse ay xanibtay dowladda Soomaaliyeed.

Boqor Buur-madoow ayaa shaaca ka qaaday in hadalka kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha uu lama filaan ku noqday, sida uu hadalka u dhigay.

“Wallaahi hadalkaa ra’iisul wasaaraha uu ku hadlay arrinkaa ma aan fileyn maanta inuu ka hadlo runtii waxaana u arkaa inay jidgooyo ku tahay. Dhaqaalaha kani waa dhaqaale Somaliland horey ay uga xanibtay dowladda federaalku oo 12 milyan ahaa oo qasnad isaga jirtay oo loo diiday dadkii abaaruhu sameeyeen oo caalamku nasiiyey oo Soomaaliya nasiin,” ayuu yiri Boqor Buurmadow .

Buur-madoow ayaa intaasi ku sii daray in arrintan ay meel ka dhac ku tahay Somaliland iyo dadkeeda, uuna u arko digasho.

“Maanta dowladda Soomaaliya waxaan ka sugeynay iyo ra’iisul wasaaruhu inay ku dhowaaqaan dhaqaale walaaltinimo oo iyagu ina taraan, laakiin waxaan u aragnaa in digashooyin iyo meel ka dhac ku tahay dhaqaalaha ay xanibeen inay maaanta ka dhigaan wax ay ina siinayaan,” ayuu sii raaciyey Boqor Cusmaan Aw Maxamuud.

Ugu dambeyn, wuxuu farriin u diray dadka Soomaaliyeed oo uu ka dalbaday inay qaataan doorkooda walaalnimo, una gurmadaan dadkii ku hanti beelay dabkii ka kacay Hargeysa.

“Waxaan rajeynayaa dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed ee koonfurta ama meel kasta oo ay joogaan in iyaga toodu ay taa xukuumaddu ku dhowaaqday ka wanaagsanaan doonto, waxtarkooduna mid muuqdo uu noqon doono,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Hadalka Boqorka ayaa kusoo beegmaya iyadda oo suuqa Waaheen oo ahaa suuqa ugu weyn ee magaalada Hargeysa uu ku bas beelay dab ka holcayay saacado badan.

Khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay masiibadaas ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Somaliland ku sheegen warbixin hordhac ah inay dhan tahay ku dhawaad 2-Bilyan oo dollar, ayada oo arrintaan si weyn u gil-gishay quluubta shacabka Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM