Britain oo ka digtay qorshe Farmaajo lagu tuhunsan yahay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Ingiriiska ayaa si cad waxay u shaacisay in aysan marnaba aqbali doonin muddo kordhin ama doorasho hal dhinac ah oo Soomaaliya laga qabto.

James Duddridge, wasiirka UK u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa ku nuux-nuux-saday in deg-deg looga heshiiyo is-mari-waaga jira.

Sidda ku xusan bayaanka oo lagu daabacay barta internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Britain, hogaamiyeyaasha Soomaalida waa in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka.

"Boqortooyada Midowday ee UK waxay hoosta ka xariiqeysaa baahida degdegga ah ee loo qabo in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay isu yimaadaan oo ay ka gaaraan heshiis guud oo ku saabsan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka, iyadoo la raacayo qaabkii lagu heshiiyey 17-kii Sebtember iyo talooyinkii Guddiga Farsamada ee 16-kii Febraayo," ayaa lagu yiri qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa la raaciyey: "Boqortooyada Midowday (UK) ma taageeri doonto ficilada u horseedaya geedi socodka doorashooyinka hal dhinac ah ama isbarbar socda, ama si toos ah u horseedaya muddo kordhin".

"Anagoo ka duuleyna danaha dadka Soomaaliyeed, iyo danaha wadajirka ah ee aan ka leenahay amniga, horumarka iyo koritaanka Soomaaliya, waxaan ugu baaqeynaa hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay ka gudbaan ismari waaga jira, oo ay galaan wadahadallo wax ku ool ah oo ay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyin loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqa Ingiriiska ayaa xoojinaya diidmadda Beesha Caalamka ka muujisay qorshe lagu tuhunsan yahay Farmaajo oo ah kororsi haddii ay fashilmaan wadaxaajoodyadda la diyaarinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM