Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Image

Waxaa si rasmi ah u burburey shirkii u dhexeeyey dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ee muddo saddex cisho ah ka socdey magaalada Mogadishu, kaas oo lagu doonayey in lagu gaaro is-afgarad ku saabsan khilaafka doorashooyinka iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay matalayeen Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sharif Sheikh Ahmed iyo Madaxweynaha Puntland Said Abdullahi Deni, halka dhinaca kale ay matalayeen Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Hassan Sheikh Mohamud iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Salah Ahmed Jama.

Kulamada ayaa ka dhacay xerada Xalane, waxaana goob-joog ka ahaa safiirada dalka Ingriiska iyo Mareykanka u fadhiya Soomaaliya.

Wararka laga helayo wada-hadallada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh uu ku adkeystey in muddo xileedkiisu aanu dhammaan, isla markaana nidaamka doorashada qof iyo codka ah ee ay dowladdiisu waddo uu yahay nidaamka keliya oo ay doonayaan in dalka lagu hago.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee matalayey Golaha Mustaqbalka ayaa ku adkeystey in marka hore la aqbalo in muddo xileedka dowladda Federaalka uu dhammaadey, kadibna laga wada hadlo nidaam doorasho oo dhinacyada oo dhan isku raacsan yihiin.

Kadib burburka shirka, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartey warsaxaafadeed ay ku sheegtay in ay weli ka go’an tahay hirgelinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda, islamarkaana ay sii wadeyso wada-xaajoodyada ay la yeelaneyso daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed.

Qoraalka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in “albaabka wada-xaajoodka iyo wadatashigu uu weli furan yahay,” iyadoo dowladda ku celisay in nidaamka dimuqraadiyadda qof iyo codka ah uu yahay waddada ay aaminsan tahay in dalka lagu gaarsiin karo doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Golaha Mustaqbal oo dhinacooda soo saarey qoraal ayaa sheegey in Madaxweyne Xasan Shiikh muddo xileedkiisu dhamaadey mas'uulna ka yahay kala taga Soomaaliya- 

"Xasan waa jid & jiha diid, annagu u caal weyney, ajaaniibtii u caalweydey oo tolkii u caalwaaye... xataa mar baan dhuumasho ugu imi oo u caal-waayey, haddaba isagaa kala direy Soomaali." Sidaa waxaa yiri madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey warsaxafadeed uu la qabtey Golaha Mustaqbal kadib burburka shirka. 

Dhanka kale, wararka laga helayo kulanka ayaa tilmaamaya in dalalka caalamka gaar ahaan kuwa sida tooska ah u taageera dib u dhiska Soomaaliya ay muujiyeen walaac xooggan oo ku saabsan sida loo sii wadi karo taageerada dhaqaale ee Soomaaliya haddii khilaafka siyaasadeed sii xoogeysto.

Tan iyo markii Soomaaliya ay ka baxdey nidaamka ku meel gaarka ah, dalalka reer Galbeedka ayaa si joogto ah taageero dhaqaale ugu bixinayey dib u dhiska hay’adaha dowladda, halka United Nations ay Soomaaliya ka qaaday cunaqabateyntii hubka.

Su’aasha hadda taagan ayaa ah tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan dalalka taageera Soomaaliya, gaar ahaan haddii is-afgarad siyaasadeed la waayo.

Warar kale oo la xiriira kulanka ayaa sheegaya in dowladda Turkey oo aan qeyb ka ahayn wada-hadallada gudaha Xalane, ay wadamo kale kala hadleysay in la tixgeliyo doorashada ay Villa Somalia riixeyso.

Turkiga ayaa xiriir dhow la leh Villa Somalia, wuxuuna taageero ciidan siiya dowladda Federaalka. Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale diyaarado dagaal ku leh magaalada Muqdisho, halka ciidamo ay tababartay lagu eedeeyey inay ka qeyb qaataan caburinta dibadbaxyada iyo cadaadiska lagu hayo siyaasiyiinta mucaaradka.

Sidoo kale, xogaha laga helayo kulamada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh kadib markii uu ka baxay shirkii Xalane uu kulan gaar ah la yeeshay mid kamid ah safiirada dalalka sida dhow ula shaqeeya dowladda Federaalka isla markaana saameyn weyn ku leh siyaasadda koonfurta Soomaaliya.

Ilo xogogaal ah ayaa sheegaya in safiirkaasi kula taliyey inuusan si deg deg ah u aqbalin cadaadiska uga imaanaya qaar kamid ah dalalka reer Galbeedka iyo shuruudaha mucaaradka, taas oo la sheegay inay sababtay in dowladda Federaalka dib ugu laabato mowqif adag oo ay markale miiska kusoo celisay intii wada-hadalladu socdeen.

Dhanka kale, mucaaradka Soomaaliya ayaa la sheegay inay dhawaan dalal saameyn ku leh arrimaha Soomaaliya u gudbiyeen fariin ku saabsan inay dhexdhexaad ka noqdaan khilaafka siyaasadeed, islamarkaana aysan dhinac gaar ah taageerin, si aan mustaqbalka loo dhaawicin xiriirka kala dhexeeya shacabka iyo hoggaamada siyaasadeed ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM