C/Raxmaan C/Shakuur: Musuqmaasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf

Image
Xildhibaanka ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu meeshii ugu sareeyay marayo musuqmaasuqa dalka isla markaana loo baahan yahay wax ka qabasho degdeg ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa uu carabka ku adkeeyay inuu meeshii ugu sareeyay marayo musuqmaasuqa dalka isla markaana loo baahan yahay wax ka qabasho degdeg ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Musuqmaasuqa dalka ka taagan waa xarga goosad alamtarana soo dhaaf. Siyaasad, ganacsi iyo qoys ayaa isku milmay. Musuqu socdaa waa laba nooc mid seddaxaadna halis ayaa loogu jiraa.

1- Musuqa maamulka: Waa mid awood maamul ku siman oo adeegga dadwaynaha lagu silciyo, ka dibna laaluush looga qaato in loo fududeeyo adeeggii ay xaqa u lahaayeen.

2- Musuqa siyaasadeed: Waa mid awood siyaasadeed lagu fuliyo sida qandaraas, adeeg (service) lacag laga tabco, iyo ganacsi shakhsiyaad loo xiro oo kale. Tani waxay inta badan ku timaadaa in qofka awoodda siyaasadeed leh uu shirka ku yahay faa’iidada ama lagu naasnuujiyo shakhsiyaad qoyskiisa, xigto ah, saaxib ah.

3- Musuq Istaraatiiji: Waa mid ay dhici karto in qayb ka mid ah geyiga jamhuuriyadda ama madaxbannaanida qaranka looga tanaasulo, ama codka dawladda ay kula safanayso dawlado loollamaya la iibiyo. Tusaale, Soomaaliya waxay xubin ka tahay ururro goboleedyo kala duwan, Qaramada Midoobay, waxay sanadka soo socda ka mid noqon doontaa Golaha Amaanka.

Musuqa istiraatiijiga ah weli ma dhicin, laakiin haddii labada kale ee haatan xarga goosadka ah aysan ka hortagin, siyaasiyiinta iyo awoodaha kale ee bulshada rayadka ah, iyo warbaahinta, wax diidaya ma laha in musuq Istiraatiiji ah lugaha lala galo.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM