Cabdi Xaashi iyo Yamamoto oo kawada hadlay doorashada 2020-21

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaaladda Muqdisho, caasimadda Soomaaliya, waxaa Isniintii ku kulmay afhayeenka Aqalka Sare iyo danjiraha Mareykanka.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Donald Yamamoto ayaa waxaa shirkooda ku wehliyay mas’uuliyiin heer sarre ah oo ka kala socday labadda dhinac.

Xubnahan ayaa waxay kawada hadlay doorashoyinka soo socda, shuruucda horyaala Aqalka Sare, hanaanka deyn cafinta iyo dib u dhiska waddanka.

Sidda ku cad war kasoo baxay Aqalka Sarre, dhinacyadda ayaa sidoo kale waxay isla soo qaadeen dib u dhiska ciiidamada xooga iyo deeqaha Mareykanka.

Soomaaliya ayaa sanadka 2020-21 waxay isku diyaarineysaa doorasho qof iyo cod ah, taasi oo ay ku tartamayaan xisbiyadda siyaasadeed ee ka jira dalka.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta sharciga doorashooyinka, markii maamulada ay qaadaceen xeerkii hore.

Illo wareedyo ayaa tibaaxaya in Xaashi iyo Yamamoto ay kawada xaajoodeen xiriirka maamulada iyo dowladda federaalka ah kaasi oo aanan hagaagsaneen.

Sikastaba ha ahaatee, Mareykanka ayaa safka hore wuxuu uga jiraa dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinacyadda amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM