Cabdikariin Buux: Muxuu shaqada uga tugay xoghayihii Aqalka Hoose?

Image
Buux ayaa ahaa mas’uulkii dowladeed ee ugu waqtiga dheeraa ee baarlamaanka soo maamulay hawlihiisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa shalay shaaciyay in xilkii uu iska casilay xoghayihii baarlamaanka ee mudada dheer xilka hayay Cabdikariin Xaaji Buux, xilkaasna uu u magacaabay mas’uul kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri).

Wararka ayaa sheegaya in Buux uu is casilay kadib markii lagu cadaadiyay in uu xilka baneeyo, haddii kale guddiga joogtada ah ee baarlamaanka uu xilka ka qaadi doono, taasina ay yeelan doonto cawaaqib xumo dambe.

Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in Cabdikariim iyo qaar ka mid ah guddoonka baarlamaanka ay isku qabteen arrimaha maaliyadda baarlamaanka iyo shaqaalaha. 

Cabdikariim oo ka badbaaday duufaano hore oo siyaasadeed oo ay ugu caansantahay tii dhacday xilligii xukunkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markani dhibbane u noqday kala guur siyaasadeed oo ka dhex socda baarlamaanka, iyo isbahaysiyo cusub oo samaysmaya.

Xoghayaha cusub oo soo noqday wasiir Dowle ayaa ka mid ahaa raggii aadka ugu dhowaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo la sheegay in uu taageerayaal badan ku leeyahay baarlamaanka hadda jira, kuwaas oo inta badan ka qaday guddoonka baarlamaanka. 

Dadka siyaasadda u dhuun duleela ayaa sheegaya in laga yaabo in magacaabista Jaabiri ay tahay talaabo lagu soo jiidanayo garabka siyaasadeed ee uu ka tirsanyahay.

Cabdikariim Buux ayaa ahaa siyaasiga ugu saamaynta badan beesha uu kasoo jeedo oo sanadkani waydey kursigii baarlamaanka Jubbaland laga soo dooran jirey.

Cabdikariim Buux ayaa ahaa mas’uulkii dowladeed ee ugu waqtiga dheeraa ee baarlamaanka soo maamulay hawlihiisa, lahaane waayo aragnimo iyo aqoon dheeraad ah oo ku saabsan kala wadista gole sharci dajin oo u balaaran sidan kan Soomaaliya oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM