Cabdikariin Guuleed oo si adag u dhaleeceeyay dowladda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dayacdey amniga guud ee dalka si gaar ah kan caasimadda kuna mashquushay siyaasada iyo doorashooyinka, sidda uu sheegay musharax madaxweyne.

Cabdikariin Xuseen Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa rumeysan in weeraradii ugu dambeeyay ee kooxaha argagixisada fuliyeen ay yihiin cawaaqib ka dhashay dayacaadda xukuumada dhexe.

Madaxda dowladda ayuu cod dheer ugu baaqay "in ay shaqadooda dib ugu soo celiyaan saraakiisha si ay uga hortagaan dhibaatooyinka [nabad-gelyo xumada] joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka".

Hoos ka akhriso qoraalka musharaxa

Waxaa muuqata in Dowladda Federaalka ah ay si buuxda u dayacday amnigii guud ee dalka gaar ahaan midkii caasimadda bilihi lasoo dhaafay, taas oo sababtay iney si weyn usoo xoogeystaan falalka kooxaha argagixisadaha ah.

Waxaan ka tacsiyeynaya dhibaatooyinkii ka dhashay Qaraxyadii iyo weeraradii dalka ka dhacay labadii toddobaad ee lasoo dhaafay.

Markii madaxda iyo saraakiishii amnigu ku mashquulaan arrimaha siyaasadda iyo doorashada, waxa la filan karo waa iney cadowgu ka faa’iideystaan dayacaas jira. Dowladda Federaalka ah waxaan usoo jeedineynaa iney dib ugu celiso saarkiisha amniga shaqadooda si ay uga hortagaan dhibaatooyinka joogtada ah ee ka socda Muqdisho iyo qeybo ka mid ah dalka.

Waxaa lagu jiraa xilli doorasho. Waa waqti muhiim u ah dalka iyo dadka. Waxa suurtagal ah iney cadowgu maleegayaan dhibaatooyin waa weyn, oo u baahan in laga hortago, sidaa awgeed waa in gacana looga shaqeeya arrimaha doorashadda, gacanta kalana cadowga looga badbaadiya shacabka iyo masuuliyiinta.

Sidoo kale dadka reer Muqdisho waxaan ugu baaqaya iney si miir-qableh u wajahaan dhacdooyinka ku gadaaman arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan ammaanka.


Muqdisho iyo qeybo kamid ah dalka waxaa todobaadyadii lasoo dhaafay ka dhacay falal liddi ku ah ammaanka oo ay qaarkood sheegatay Al-Shabaab laguna beegsaday dad shacab ah iyo mas'uuliyiin xil haya iyo kuwa horey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo ka bilowday magaalada Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa furay shirkan oo socon doono labada maalin soo socota.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 12:41PM

Magaalooyinka Soomaaliya ee Turkiga kasoo saarayo shidaalka

Soomaaliya ayaa horraantii bishii Maarso heshiis cusub oo shidaal iyo gaas ah la saxiixatay Turkiga.

  • Soomaliya

    24-04-2024

  • 05:44AM