Cabdisaciid: Waxaa la ii eryay si loo marsiisto waxyaabo hunguri ah

Image
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa shaqo joojin lagu sameeyay 24-kii May, 2022.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa markii ugu horeysay wuxuu ka hadlay shaqo joojinta uu ku sameeyay Ra’iisul Wasaarihii hore dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Lataliyihii hore ee amniga qaranka oo u waramay Gaylan Media ayaa meesha ka saarey in ay Rooble isku-maan-dhaafeen kiiska markabka dhuxusha taas badalkeeda "ay Rooble lix bilood isku hayeen fasaxida Jaadka laga keeno Kenya".

Cabdisaciid ayaa intaas ku daray in shaqo-joojintiisa loosoo dadajiyey markii uu 23-kii May, 2022 xilka la wareegay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud "si loo beegsado saamiga siyaasadeed ee la kala leeyahay".

Sida laga soo xigtey Cabdisaciid, dhamaan talaabooyinka isku xig-xigay la qaadey markii uu Xasan Sheekh xilka la wareegay lana soo magacaabin ra’iisul wasaaraha cusub waxay qayb ka ahaayeen ujeedada loosoo dadajiyey eryidiisa.

Shaqo joojinta ayaa dhacdey May 24, 2022. Lacagta Imaaraadka ayaa la fasaxay May 26, 2022. Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa magaca laga badalay Jun 2, 2022. Xayiraada ayaa laga qaadey Jaadka Kenya Jul 15, 2022. 

Intii uu socdey wareysiga, Cabdisaciid oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu caddeeyay in meelmarinta talaabooyinkan ay "iska kaashadeen shaqsiyaad kala duwan". Balse, ma uusan soo bandhigin caddeymo iyo magacyadooda.

Xudunta kiiska markabka dhuxusha

"Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha waxaa loo kala duway in laba nin oo isku xaafad ah ay ku heshiiyaan waxyaabo hunguri ah oo noocaan ah," ayuu tibaaxay. "Cabdicasiis waxaa loo eryay wuxuu ahaa qofka kaliya ee NO dhihi karay".

Garowe Online si madax-banaan uma xaqiijin karto sheegashadda Cabdisaciid. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta. Balse, wareegtada Rooble ee shaqo-joojinta waxay la xiriirisay kiiska Dhuxusha.

"Warbaahinta – Muqdisho ama Hargeysa ha joogeen –maalintaas lacag ayaa la siinayay si ay u faafiyaan warka duxusha," ayuu Cabdisaciid tibaaxay. "Maxay tahay sababta aad lacag u bixineysaa haddii aad wax run ah sheegeyso".

Markabka ayaa dhuxusha ka qaadey magaaladda Kismaayo waxaana la sheegay in ay lahaayeen ganacsato Soomaali ah. Balse, wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warqad ay qortey Cumaan kula xiriirisay Al-Shabaab.

Hase ahaatee, maxkamadda sarre ee Cumaan ayaa meesha ka saartey eedeyntaas kadib markii lagu waayay wax caddeymo ah. Soomaaliya ayaa kamid ah dowladaha mamnuucay ka ganacsiga dhuxusha sharci daradda ah.

Ka ganacsiga dhuxusha ayaa waxay kamid tahay waxyaabaha ay dhaqaalaha la helaan kooxaha argagixisadda ah ee Soomaaliya gaar ahaan maleyshiyaadka Al-Shabaab wallow qaybo kamid ah dalka ah qaab dhuumaaleysi ah looga dhoofiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Lix kamid ah shaqaalaha Hormuud oo qarax lagu dilay

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxa oo ka dhacay deegaanka Garas-Baaley ee duleedka Muqdisho.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 06:36PM

Mareykanka oo ka hadlay musuqmaasuqa ka dhex-dilaacay taliska Danab

Washington ayaa hakisay qaar kamid ah kaalmadii dhanka difaaca ee ay siin jirtay dowladda Soomaaliya sanadkii 2017.

  • Soomaliya

    28-04-2024

  • 04:39AM