Cabdiwali Gaas oo muranka doorashada la xiriiriyay Rooble

Image
Doorashada Soomaaliya oo markii horaba waqtigeeda dib uga dhacday ayaa Khamiistii lugaha la gashay buuq kale.

MUQDISHO, Soomaaliya – Cabdiweli Maxamed Cali Gaas , Madaxweynihii hore ee Puntland oo ka hadlay khilaafka cusub ee hareeyay doorashada Soomaaliya, ayaa eedeynta dhan dusha ka saaray R’iisul Wasaare Rooble iyo guddiga doorashooyinka federaalka.

Gaas ayaa sheegay in guddiga doorashooyinka uusan ku shaqeyn rabitaankiisa oo mar kasta laga dhex hadlo, sidoo kale wuxuu ku dooday in wax macno ah aysan sameyneyn in Fahad Yaasiin iyo xubnaha kale ee laga soo doortay Koonfur Galbeed loo diido kuraastooda.

“Labada dhinac ee siyaasadda isku haya waxay ka dhex hadlayaan guddiga doorashada, markii horena guddi fiican oo shaqadiisa gudanaya ma aheyn, howshii laga rebay guddigaas ma qaban, waxa hadda isku jawaabayana ayaga maahane, cid kale ayaa ka dhex hadleysa,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Gaas oo la hadlay BBC ayaa wax laga weydiiyey go’aanadii ka soo baxay HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed, kuwaas oo sheegay inay ka aamin baxeen guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal, kadib markii liiska xubnaha dooran ee baarlamaanka laga reebay Fahad Yaasiin oo HirShabeelle laga soo doortay iyo 3 xubnood oo ka yimid K/Galbeed.

Gaas oo soo noqday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ku jawaabay in dooda labadaas maamul ay saxan tahay, “Afarta kursi sababta ay liiska uga reebeen guddigu ma aysan sheegin, dalka dhan doorasho kama socon ee xulasho aan xalaal aheyn ayaa ka socotay, marka maxaa afar kursi loo qabsanayaa? Waa in guddoomiyuhu uu dadka u sheegaa sababta,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Cabdiwali Cali Gaas ayaa hadalkiisa ku daray “Aniga iima muuqato wax afartaas kursi ku gaar ah, waxaana arrintaas ku gar leh labada dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed iyo HirShabeelle, inkastoo laftigoodu aysan doorasho sax ah qaban, hadana dooda ah, maxaa lagu heystaa afartaan kursi? Waa ku saxan yihiin.”

Mar wax laga weydiiyey doorka Ra’iisul Wasaaraha ee doorashada ayaa waxa uu sheegay in fashil badan uu ka muuqdo waajibaadkiisa, “Shaqo tan ka fiican ayuu qaban karay oo awoodeeda uu lahaa dastuuriyan, laakiin hadda waxaaba noo cad in isqabqabsigaan cusub uu qeyb ka yahay,” ayuu yiri.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, sidoo kalena soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas ayaa ku taliyey in afartaas kursi ee Fahad Yaasiin uu ku jiro sidooda loo sii daayo oo baarlamaanka aan laga reebin.

"Aniga iima muuqato sabab hebel ayaa ku jira loogu dib dhigo doorashada, war anaga hebel waxaba nagama gelin, soomana aanaa dooran, marka shakhsi gaar ah ama dhowr qof si loo baacsado aniga waxay iila muuqataa wax an sharci aheyn, siyaasadna aheyn,” ayuu yiri Gaas.

Doorashada Soomaaliya oo markii horaba waqtigeeda dib uga dhacday ayaa Khamiistii lugaha la gashay buuq kale ka dib markii guddiga doorashada oo kaashanaya xafiiska Rooble uu sheegay in dhawaan la dhaarinayo xildhibaanada laba aqalka iyada oo laga reebay liiska Xildhibaanada Afar ruux oo uu ku jiro Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM