Cabsi laga qabo in uu baaqdo imtixaanka qaran ee shahaadiga ah

Image
Imtixaanta shahaadiga ayaa sida caadiga ah la qaadi jiray marka la gaaro bisha May.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa markii u horeysay shaaciyay in Wasaaradda Waxbarashada ay wajahayso dhaqaale la’aan baahsan oo sababi karta in sanadkaan aysan dowladu qaadin Imtixaankii shahaadiga.

Wasiir Carab ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan xilligaan heyn awood dhanka waxbarashada ah sababo la xiriira dhaqaalo la’aanta soo food saartay, isla markaana uu halis ku jiro Imtixaanka Shahaadiga ee sanadkaan.

Waxa uu xusay in Wasaaradda lagu leeyahay lacagihii sanadkii hore lagu qaaday imtixaanka, kadib markii Wasaarada Maaliyada laga waayay lacagahaas.

“Sanadkaan waxaa khatar ugu suganahay in aan qaadin imtixaanka. Macalimiinta lacagtooda waa maqan tahay, waxay ku maqan tahay Wasaarada Maaliyadda oo lagama damqanayaba,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda dhexe waxay ballan-qaaday waa inay fulaan ee bajadka ah. Dal aan qorshe waxbarasho laheyn horumar ma gaarayo.”

Sidoo kale waxa uu ku dhaliilay Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay inay bixiso lacago ay uga baahi badan tahay waxbarashada iyo howlaheeda.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Carab ayaa kusoo aadaya xilli la joogo waqtigii ay wasaaraddu qaadi laheyd Imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkaan.

Imtixaanta shahaadiga ayaa sida caadiga ah la qaadi jiray marka la gaaro bisha May waxaana si wadajir ah looga qaadi jiray dhamaan goboladda dalka marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo si gaar ah u maamusha waxbarashadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM