Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Image

Muqdisho, 22 Nofeembar 2025 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay wadaagista dakhliga kasoo xarooda nidaamka fiisaha elektarooniga ah (e-Visa) ee dalka, iyadoo wadahadallo furan u ballanqaadday Somaliland iyo dowlad-goboleedyada kale.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta, kadib markii la weydiiyay sida dowladda u wajahday cabashooyinka Somaliland ee ka dhanka ah hirgelinta nidaamka e-Visa.

Balcad wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay aqbashay in laga wada hadlo dakhliga kasoo xarooda e-Visa, isla markaana Wasaaradda Maaliyaddu diyaar u tahay inay ka qaybqaadato nidaam wadaagis dhaqaale oo la xiriira fiisaha elektarooniga ah.

“Dowladdu diyaar bay u tahay wadahadal ku saabsan dakhliga ka soo xarooda e-Visa, Wasaaradda Maaliyadduna diyaar bay u tahay inay wadaagto,” ayuu yiri Balcad.

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64, taas oo dowladda sheegtay inay si toos ah ugu dhacdo khasnadda Qaranka.

Somaliland ayaa hore u diiday hirgelinta e-Visa, iyadoo tallaabadaas keentay in dadka yimaada garoomada ay maamusho ay laba jeer bixiyaan lacagaha fiisaha — mid ay qaado Dowladda Federaalka iyo mid kale oo Somaliland ay ku khasabto socotada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM