Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Image

Muqdisho, 22 Nofeembar 2025 — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay wadaagista dakhliga kasoo xarooda nidaamka fiisaha elektarooniga ah (e-Visa) ee dalka, iyadoo wadahadallo furan u ballanqaadday Somaliland iyo dowlad-goboleedyada kale.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Maxamed Cumar (Balcad), ayaa arrintan ka sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta, kadib markii la weydiiyay sida dowladda u wajahday cabashooyinka Somaliland ee ka dhanka ah hirgelinta nidaamka e-Visa.

Balcad wuxuu sheegay in dowladda Federaalka ay aqbashay in laga wada hadlo dakhliga kasoo xarooda e-Visa, isla markaana Wasaaradda Maaliyaddu diyaar u tahay inay ka qaybqaadato nidaam wadaagis dhaqaale oo la xiriira fiisaha elektarooniga ah.

“Dowladdu diyaar bay u tahay wadahadal ku saabsan dakhliga ka soo xarooda e-Visa, Wasaaradda Maaliyadduna diyaar bay u tahay inay wadaagto,” ayuu yiri Balcad.

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64, taas oo dowladda sheegtay inay si toos ah ugu dhacdo khasnadda Qaranka.

Somaliland ayaa hore u diiday hirgelinta e-Visa, iyadoo tallaabadaas keentay in dadka yimaada garoomada ay maamusho ay laba jeer bixiyaan lacagaha fiisaha — mid ay qaado Dowladda Federaalka iyo mid kale oo Somaliland ay ku khasabto socotada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM