Ciidamada Soomaaliya oo Cali Dheere "ku dhaawacay" howlgal

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Afhayeenka kooxda Al-Shabaab ayaa ku dhaawacmay howlgal ay Axadii ciidanka Soomaaliya ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose, sidda ay sheegeyso warbaahinta dowladda.

Idaacadda ku hadasha afka xoogaga dowladda ee SNA Radio ayaa ku warameysa in gulufka lagu waxyeeleeyay Sheekh Cali Maxamuud [Cali Dheere] uu ka dhacay degaanka Shaam ee duleedka Awdheegle.

Taliska ciidamada xooga dalka ayaa shaaciyey in howlgalkaasi ay ku dileen 16 kamid ahaa Al-Shabaab, isla markaana ay ku dhaawacmeen tobanaan kale oo uu Cali Dheere ku jiro.

Nooca dhaawaca, halka ay dhibaatadu kasoo gaartey, hadii iska hor-imaad lagu helay, qaabka uu ku baxsaday iyo xaaladiisa haatan, waxay qayb ka yihiin su'aalaha ku foorara baahinta SNA Radio.

Dhinaca kale, ma jirto wax war ah oo ku saabsan sheegashadda dowladda Soomaaliya oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha hubeysan ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Cali Dheere oo kamid ah horjoogeyayaasha ugu sareysay ururka Al-Shabaab ayaa marka laga soo tago in uu afkooda ku hadlo waxaa la rumeysan yahay in uu ka qayb-qaato xagjireynta dhalinyaradda.

Sarkaalkan ayaa ku jira liiska shaqsiyaadka ka tirsan "maleyshiyaadka argagixisada ah" kuwaasi oo aadka loo doon-doonayo isla markaana ay Qaramada Midoobay iyo Mareykanka dul-dhigeen xayiraadyo.

Hadii la xaqiijiyo dhaawaciisa waxay dharbaaxo ku tahay kooxdiisa, halka ay guul u noqoneyso ciidamada uu Turkigu u tababaray Soomaaliya kuwaasi oo howlgal fuliyay, isla markaana dhowaan tababar loosoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM