Cali Guudlaawe oo balanqaad u sameeyay musharaxiin

Image
Sida wararku sheegayaan, waxaa la isku afgartay in tartanka loo galayo kuraastaas la isku haysto.

BELEDWAYNE, HirShabelle – Madaxweynaha maamulka Hir-Shabeelle, Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka shiray musharixiin cabasho ka keenay hab maamulka Doorashada kuraas ay u tartami rabaan ayaa u balan qaaday in uusan jirin doonin shaqsi kursi loo xiri doono.

Musharixiinta ayaa Guudlaawe iyo Dabageed u sheegay in sababta cabashada keentay ay tahay in kuraasta intooda badan loo xiray shakhsiyaad uu hoggaanka sare ee DG Hir-Shabeelle la rabo xubinnimada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad.

Cali Guudlaawe Xuseen iyo Yuusuf Axmed Dabageed ayaa iska fogeeyay in kuraasta qaar ee cabashada laga keenay ay u xireen dad ay la rabaan maadaama Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle uu horay u sheegay in Shakhsiyaad ay usoo saarayaan kuraasta taallla Baladweyne.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ayaa musharixiinta u sheegay in tartan furan lagu wajahayo Doorashada isla markaana aanay jirin cid ama koox loo xiray kuraasta maalmaha soo socda Baladweyne lagu dooranayo.

“Madaxweynaha ayaa musharaxiinta u sheegay inay u diyaar garoobaan doorasho daahfuran oo si nabad ah ku dhacda, waxa uuna balanqaaday inaysan dhici doonin in kursi loo xiro cid gaara” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada.

Hir-Shabeelle ayaa soosaaray Xildhibaanno lasii ogaa in ay soo baxayaan kuwaas oo si toos ah ugu xiran Villa Somalia waxaana Dadkaas kamid ah Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo soo qaatay HOP#086 Weliba Guddiga FEIT oo hakiyay Doorashada kursigaan.

Musharixiinta cabashada muujiyay ee kulanka ka qaybgalay waxaa kamid ah: Cabdullaahi Goodax Barre Wasiirkii hore ee Waxbarashada XFS, Cabdirisaaq Cumar Maxamed Wasiirkii hore ee Amniga XFS, Agaasimihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi iyo mas’uuliyiin kale.

Sida wararku sheegayaan, Waxaa la isku afgartay in tartanka loo galayo kuraastaas si daah furan loo qabanayo, xiisada magaalada la dejiyo oo maalmihii u dambeeyay Ciidamo iyo hub fara badan ay hareeyeen, lagana dulqaado ciidanka iyo hubka lagu heysto Xerada Lama Galaay iyo agagaarkeeda.

Xubnaha taabacsan Villa Somaliya ayaa isku dayaya in musharixiin gaar ah ay wataan u xiraan tartanka, lagana hor-istaago xildhibaanadii hore kuraastan ugu fadhiyay oo kamid ahaa xubnihii ugu saameynta badnaaa xildhibaanadii mucaaradka ku ahaa madaxweynaha mudo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka horjooge Al-Shabaab ah

Cabdulqaadir Xaaji Eenoow ayaa ku dhintay howlgal ciidamaddu ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

  • Soomaliya

    19-05-2024

  • 03:27AM

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM