Cambaareyn iyo caro caalami ah oo ka dhashay xariga Cabdalla

Image
Xoghayaha ururka u dooda xuquuqda wariyeyaasha ee SJS ayaa la filayaa in mar labaad lasoo taago maxkamad Axada todobaadkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hay'adda Human Rights Watch oo ugu baaqdey dowladda federaalka Soomaaliya in ay degdeg usii dayso wariye Cabdalla Axmed Muumin ayaa sheegtay in xarigiisa uu salka hayo "arrimo siyaasadeed".

Safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya oo qoraal ku daabacdey ciwaanka ay ku leeyihiin Twitter-k


a ayaa sheegtay in ay si xooggan u cambaareynayso xarigga Cabdalla Axmed Muumin, xoghayihii ururka u dooda xuquuqda saxafiyiinta ee SJS.

Safaaradda Ingiriiska ee Soomaaliya oo walwal ka muujisay xarigga Cabdalla Muumin ayaa ugu baaqdey dowladda Soomaaliya in ay kiiskiisa ay u qaado si daahfuran.

Dhanka kale, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay si dhow ula socoto xariga xoghayaha ururka u dooda xuquuqda wariyeyaasha Soomaaliyeed ee SJS.

Wariye Cabdalla Axmed Muumin ayaa Khamiista asbuucii hore lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Qareenadiisa ayaa sheegay in lagu eedeeyay "jabinta" xeer ay soo saartey Wasaaradda Warfaafinta iyo baahinta "muuqaal sir ah".

Todobaadkan maanta bilowday gaar ahaan Axadda berri ah ayaa loo balamay in mar kale la dhageysto kiiska xoghayaha ururka SJS iyadda oo xeer-ilaalinta laga sugaayo caddeynta eedeymaha looso jeediyay saxafiga madaxa banaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM