Caqabadaha haysta ciidamadda dowlad goboleedka Jubaland

Image
Shantii sano ee lasoo dhaafay Jubbaland wax hub iyo rasaas ah kama aysan helin dowladda federaalka.

KISMAAYO, Jubaland - Waxaa furumaha ciidamada Jubbaland tagay guddi abaabulka hawlgalka ka dhanka ah maleyshiyaadka Al-Shabaab oo uu dhowaan magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe, waxaana guddigan guddoomiye u ah Jeneraal Ismaaciil Saxardiid oo ahaa taliyeyaashii qabtay Kismaayo xagaagii 2012-kii.

Jeneraal Saxardiid oo hadlay ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya hawlgalo la qaadi doono maadaamaa lasoo dhamaystiray xogihii muhiimka ahaa ee ciidamada, sida tirakoobka, aagaga ay kala joogaan, awoodooda iyo waliba awoodda cadawga.

Shantii sano ee lasoo dhaafay Jubbaland wax hub iyo rasaas ah kama aysan helin dowladda federaalka sababo la xiriira dagaalkii siyaasadeed ee kala dhaxeeyay.

Taasi badelkeeda, intii ay haysatay waxa ay qeyb ka mid ah ku gashay dagaalkii Gedo, iyada oo uu sidoo kale khilaafka kala dhantaalay sahaydii ciidanka ee Jubbaland.

Sida ay sheegayaan wararka ay heleyso Garowe Online, shir dhowaan ay isugu iman doonaan dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ayaa la sheegay in lagu qeybsan doono hub dowladda federaalka ay heshay oo yaala.

Wararka ayaa intaas waxay ku darayaan in Jubbaland ay codsan doonto in la siiyo hub ka badan maamulada kale maadaama aysan horey waxbo u helin.

Caqabadda kale ee Jubbaland haysata ayaa ah in aysan haysanin sahay dheeraad ah oo ku filan marka ay timaado dhanka caafimaadka iyo gaadiidka. Dagaal marka la galo waxaa dhalanaya dhaawacyo badan oo loo baahan yahay in durba la dabiibo askarta.

Ciidanka Jubbaland ma lahan qeyb caafimaad, dhaqaatiir, kalkaalisooyin, dawo iyo qalab iyo waliba gaadiidka caafimaadka. Taas waxa ay keentaa in xitaa dagaalada yaryar ee ay galaan askarta kusoo dhaawacanta ay inta badan soo wajahdo daryeel la’aan caafimaad oo marka ay ugu yartahay horseedda curyaanimo askariga ah.

Caadiyan askariga haddii uusan meel ku ogeyn daaweyn iyo dhiig joojin marka uu dagaalka galo, waxa ay taasi hoos u dhigtaa mooraalkiisa dagaalka.

Caqabadaha waxaa ka mid ah mid ay Jubbaland lafteeda sabab u tahay, balse salka ku haysa khilaafka siyaasadeed ee markasta ka dhex dhasha iyada iyo federaalka, taasina waa Taliska 43aad ee ciiddanka xoogga dalka ee fadhigiisu yahay Jubbaland, kaas oo aanan u hubeysnayn, una abaabulnayn sida talisyada kale.

Arrintan waxa ay Jubbaland ku weysay cudud ka barbar dagaalanta. Dowlad goboleedyada kale ayaa ciidamadooda waxa ay si joogto ah u kaashadaan kuwa xoogga dalka, waxayna maamulaan dhul aad uga balaaran kan ay Jubbaland hadda maamusho, iyada oo xitaa xilliga jiritaanka ka fac weyn kuwa kale.

Xilli hawlgalo ka dhan ah Alshabaab ay xawli kaga socdaan dalka intiisa kale, Jubbaland weli wax talaabo ma aysan qaadin, waxaana soo wajahan xilligii roobabka oo haddii ay si fiican u da’aan hakin kara hawl kasta. 

Ugu dambeyntii, iyadda oo waxaas oo dhan iyada oo ay jiraan ayaa haddane culeyskii ugu weynaa uu Jubbaland soo foodsaarayaa maadaama Shabaabkii kasoo cararay gobolada kale ay inta badan gabbaad ka dhigan doonaan gobolada Jubbooyinka oo ah dhul hawd ah oo ay ku dhuumaalaysan karaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Yurub oo ansixiyey $116.9 milyan loogu talagalay Soomaaliya

Qeyb kamid ah lacagtan ayaa waxaa la sheegay in ay heli doonan ciidamadda ATMIS.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 10:11AM

Soomaaliya oo 3-heshiis la saxiixatay dowladda Tansaaniya

Labada dhinac ayaa saxiixay heshiis ay iskaga kaashanayaan Dalxiiska.

  • Soomaliya

    18-04-2024

  • 08:36AM