Carabey oo soo dhaweeyay baaqa Farmaajo, eedayna u jeediyey Xaaf

Image

CADAADO, Soomaaliya - Madaxwayne ku xigeenka Galmudug oo qoraal jawaab u ah war kasoo baxay Madaxwayna maamulkaas, Axmed Ducaale Geelle [Xaaf], soo saarey ayaa wuxuu dowladda ka difaacey eedaymihii kaga yimid hogaamiyaha dowlad goboleedkaan khilaafku ragaadiyey.

Maxamed Xaashi Cabdi [Carabey] madaxwayne ku xigeenka Galmudug ayaa shaaca ka qaadey in garabkiisa ku sugan xarunta Baarlamaanka maamulkaan ee Cadaado uu soo dhawaynayo dadaalada ay wado Villa Soomaaliya, ayna diyaar uyihiin wadahadal.

Xaaf iyo garabkiisa oo dhinacooda ku sugan Dhuusamareeb xarunta dowlad goboleedkaan ayuu dusha ka saarey masuuliyadda khilaafka siyaasadeed ee uu maamulkaan dhex-dabaalanayo, iyo shaqaaqooyin dad ay wax ku noqdeen oo degaanka Dac-dheer dhowaan ka dhacey.

Xudunta murankaan siyaasadeed ayuu ku sheegay Carabey war-saxaafadeed uu soo saarey, fulinta heshiis ay ku midoobeen Ahlu Sunna iyo Galmudug, kaasi oo uu ka dhawaajiyey in loo marey dhaqan-gelintiisa wado aanan sax ahayn, sida uu hadalka udhigey.

Madaxwayne ku xigeenka ayaa gaashaanka ku dhuftey war kasoo yeeray Xaaf, kaasi oo ah inaanu jirin madax Galmudug ka tirsan oo is-khilaafsan, wuxuuna Carabey carabka ku adkeeyay inuu wali taagan yahay is-marin-waaga, xal aanan laga gaarin.

"Cawaaqib xumo walba oo ka dhalata khilaafka xoogan ee udhaxeeya hogaanka Galmudug waxaa masuuliyadeeda qaadayo kooxda fadhisa Dhuusamareeb," ayaa lagu yiri Bayaanka oo nuqul kamid ah uu arkey Warsidaha Garowe Online.

Ugu dambeyn, war-saxaafadeedka uu soo saarey Carabey wuxuu ugu baaqey dhamaan cid walba oo ku lug leh siyaasadda maamulkaan khilaafku la degay inay isha ku hayaan arrimaha kusoo kordhaya xaalada jahwareersan ee dowlad goboleedka Galmudug.

HALKAN KA AKHRI WAR SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM