"Dalal la yaqaano baa wada olale khatar ku ah midnimada Soomaaliya"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ayaa maanta oo Sabti ah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay jiraan waddamo "caan ah" kuwaasoo wada olale halis ku ah midnimadda Soomaaliya.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda, ayaa warkan kaga dhaawaqay shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho kadib kulan uu la yeeshay safiirada wadama caalamka u fadhiya caasimada.

"Waxaan u sheegnay in ay jiraan dalal la yaqaano oo wada olale khatar gelin kara midnimadda Soomaaliya. Waxaan weydiisanay in naga taageeran arrintaasi," ayuu Mr Cawad u sheegay saxaafadda.

Balse wasiirka ayaa waxa uu ka gaabsadey in uu shaaca ka qaado waddamada uu eedeyntaasi aadka u culus u jeediyey.

Mr Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in danjireyaasha uu ku wargeliyay in markii qeyb kamid Soomaaliya ay tegayaan ama xiriir la sameynayaan ay kusoo wargeliyaan dowlada federaalka.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo isbuucii hore ay Soomaaliya xiriirka u gosay dalka Gini ee Galbeedka Afrika, kaasi oo ay ku eedeysay in uu meel kaga dhacay madax banaanideeda.

Talaabadaasi ayaa waxay ka dambeysay markii madaxweynaha maamulka gooni ugoodsadka ah ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, uu tegay Gini, halkaasi oo si heer sarre ah loogu soo dhaweeyay.

Si lamid ah eedeynta Cawad ayaa imaaneysaa xili dalka Kenya uu bilooyinkii lasoo dhaafey uu aad ugu dhowaanayey Somaliland xili ay cilaaqaadka dowlada federaalka uu sii xumaanayo.

Nairobi iyo Muqdisho oo warfaha isu lulanaya ayaa isku hayaa dacwad hortaala Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ, taasi oo dhageysiga galkaasi bilaabeysa bisha September ee sanadkan 2019.

Dacwadda ayaa waxay ku saabsan xuduud dhul-badeed gaar ahaan goob badkeeda lagu sheegay 100 kilometer oo hodan ku ah noocyo kamid ah kheyraadka sidda Gaaska iyo Shidaalka.

Siyaasada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa bilihii u dambeysay ahayd mid qabsatay hadalheynta ugu badan caalamka, waxaana dadku ay aad u dhowrayaa halka ay ku dambeyn doonto xiisada haatan cirka mareysa.

MUUQAALKA SHIRKA JARAA'ID

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallo Lagu Raadinayo xalka Khilaafka Doorashooyinka oo ka billowday Muqdisho

Labada dhinac ayaa isku afgaray in berri dib loo isugu soo laabto si loo sii wado wadahadallada loona xalliyo qodobbada harsan.

  • Soomaliya

    19-02-2026

  • 02:10PM

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM