Dowlada oo shaacisay mowqifkeeda ilaalinta Kenya ee xeebaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa wuxuu si cad meesha uga saarey in dwladda federaalka ay ka banaanbaxeyso doorashada Kenya ee ilaalinta xeebaha Soomaaliya.

Xukuumadda Nairobi ayaa todobaadkii hore loo doortey in ay madax u noqoto Howlgalka La Dagaalanka Shufta Badeeda ee ka socda xeebaha waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Guusha ay Kenya ka gaartey coddeynta ayaa waxay kusoo beegantay iyadda ay jirto xurguf u dhaxeysa labada dowladood ku saabsan gal-dacwadeed horyaala Maxkamadda Aduunka.

Axmed Ciise Cawad, oo u muuqda mid difaacaya aragtida xukuumadda, ayaa hoos-u-dhigay saameynta ka dhalan karta arrintaasi oo dadka Soomaaliyeed ay shaki weyn ka muujiyeen.

"Dal kasta oo kamid ah guddigaasi baa isa soo sharaxi kara kadibna waa loo doortaa kamana dirireyno doorashada Kenya. Laakiin, waxaan ku cel-celinayaan in aysan saameynin arrinta badda. Maxkamad ayey hortaalaa waana sheegnay in aanan kasoo laabaneyn," ayuu Cawad u sheegay barnaamijka Wicitaanka Dhageystaha ee ka dhaxa Laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da.

Illo wareedyo dhanka diblumaasiyadda ah ayaa xaqiijiyey in Wasiir Cawad oo xaadir ku ahaa madashii lagu doortay Kenya uu ka gaabsadey cod-bixintaasi, taasi oo su'aalo badan dhalisay.

Kenya oo howlgalkaasi hogaamin doontaa labada sano ee soo aadan ayaa la rumeysan yahay in ay dadaalo fara badan u gashay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd, iyada oo eegeyso dano.

Howlgalka la dagaalanka burcad-badeeda Soomaaliya oo soo bilowday sanadkii 2009-kii ayaa waxaa ka qeyb qaata wadamo kala duwan kuwaasi oo xeebta dalka ay kaga sugan yihiin maraakiib.

Go'aanka ay dowlada qaadatey wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo ay Kenya qaaday talaabooyin ay ku cadaadineyso Soomaaliya si kiiska dacwad qaab wada hadal lagu dhameeyo.

Falalkaasi waxaa kamid ah dib-cinta xiriirka diblumaasiyadeed, xaritaanka xuduuda, joojinta duulimaadka tooska ee Muqdisho iyo talaabooyin kale oo aan derisnimada u fiicneen.

Xukuumada Muqdisho ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga jawaabtey arrintaasi wallow todobaadyadii lasoo dhaafey ay qaaday go'aano weji horleh u yeelay xiisada labada dal. [Halkan ka akhriso]

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM