CC Shakuur oo si adag u dhaliilay heshiiska DFS iyo HirShabeelle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mucaaradka Villa Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadlay heshiiska dowladda dhexe iyo HirShabeelle, kaasoo shalay uu shaaciyay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, oo sheegay inuu danta maamulkiisa u sameeyay.

Waare oo qeyb ka ahaa madaxda maamullada ee soo saarey War-murtiyeedkii kasoo saarey Shirkii Kismaayo lagu qabtey 4-tii illaa 8-dii bishan September, ayaa isbedel deg deg ah ku yimid go'aankiisii hore, kadib markii balan-qaadyo loo sameeyay.

"Anigu ma doonaya in HirShabeelle ay noqotay sida Galmudug, oo u burburto dowladda aan la heshiino iyo lama heshiineyno," ayuu yiri Madaxweyne Waare oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay shalay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo kamid ah shaqsiyaadka sida adag u dhaliila siyaaasadda dowladda Farmaajo, ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay mid shirqool ah, oo aan xal noqon karin.

Warsame ayaa ku tilmaamay in talaabada ay dowladdu qaadey mid ay ku dooneyso inay ku kala qaybiso maamul goboleedyadda, kuwaasoo mowqif mideysan ka qaatay cilaaqaadka kala dhaxeeya madaxtooyada xili ay ku dhawaaqeen inay hakad geliyeen.

Gudoomiyaha xisbiga Wadajir ayaa Dowladda ku eedeeyay in aysan dooneynin inay si toos ah u abaarto xalka lagu soo afjaro xiriir xumada kala dhaxeysa dowlad goboleedyadda, isaga oo ku sifeeyay heshiiska ay la gashay HirShabelle "xeeladeysi ah".

"Dowladu wali waxay is-ticmaaleysaa xeelad, xal uma jeedo inuu meeshaasi kasoo muuqdey...Xeeladani waa la yaqaanaa siyaasadda waa kala qaybi iyo xukun waaye," ayuu yiri CC Shakuur oo wareysi siiyey TV-ga BBC-da laantiisa Afka Soomaaliga.

Gollaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda ayaa sheegay in heshiiska Waare iyo Dowlada Federaalka uusan waxba ka bedali doonin mowqifkii ay horey u qaateen, inkastoo ay mar kale ku tar-tarsiiyeen xukuumada inay miiska wadahadalka timaado.

"Xeeladeysi uma malaynayo in lagu gaari xalka. Dowladda inay xalka wajahado ayaa wanaagsan. Waxybaaha ay isku hayaan iyaga iyo maamulada waa kuwa qaranka oo masiirka dadka Soomaaliyeed uyaalo. Umaleyn maayo in midbaa kala jiidayaa iyo midbaan luuq geshanayaa inay xikmad wayn ku jirto," ayuu Warsame raaciyey hadalkiisa.

Khilaafka siyaasadeed ee ka taagan dalka, kaasoo haatan gaarey heerkii ugu sareeya taariikhda inta la ogyahay ayaa laga digayaa in hadii aanan xal laga gaarin goordhow uu saameyn ku yeesho qorshayaasha u degan dowladda, ee ku saabsan amniga, doorashooyinka 2020 iyo dib u eegista Dastuurka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo loogu soo dhaweeyey Magaalada Nairobi

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, iyo horumarinta iskaashiga.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 09:15AM

Ra'iisul Wasaare Xamse oo booqasho ku tagaya waddanka Kenya

Socdaalkan ayaa imaanaya xilli uu Nairobi ka socdo shirka 3-aad ee Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-05-2024

  • 04:55AM