CC Warsame: Maamulka Xasan Sheekh wuxuu ka akhlaaq iyo xurmo liito maleeshiyo beeleedkii

Image

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wajahaysa cambaareyn xoogan oo kaga imaaneysa xildhibaanno mucaarad ah iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah, kadib markii la shaaciyay in la iibiyay dhismayaal muhiim ah oo dowladeed oo ku yaalla magaalada Muqdisho, oo ay kamid yihiin dhismaha hore ee Wasaaradda Caafimaadka iyo isbitaalka taariikhiga ah ee Laansareeti.

Go’aankan ayaa kiciyay caro shacabka dhexdiisa, iyadoo dad badan ay u arkaan tallaabadan mid muujinaysa in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay iibsatay dhaxalka qaranka iyo kaabeyaasha adeegyada caafimaad ee bulshada.

Xildhibaan Abdirahman Abdishakur Warsame oo ka tirsan mucaaradka ayaa si adag u cambaareeyay arrintan, wuxuuna ku tilmaamay mid anshax ahaan ka sii daran ficilladii ay galeen maleeshiyaadkii qabaa’ilka xilligii dagaalkii sokeeye.

"Xilliyadii dalku ugu rajada xumaa oo ay dagaalladu daraf kasta ka socdeen, maleeshiyaadka beelaha waa xurmayn jireen xarumaha caafimaadka.
Iibinta Wasaaraddii caafimaadka, Isbitaal Laansareeti iyo dhismayaalkii dhaxal taariikheedka ahaa waxay caddayn u tahay in maamulka Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka mooral, akhlaaq iyo xurmo liito maleeshiyo beeleedkii," ayuu yiri Xildhibaanka.

Isbitaalka Laansareeti—oo sidoo kale loo yaqaan Forlanini ama Lazaretto—wuxuu kamid ahaa xarumaha ugu faca weyn ee caafimaad ee magaalada Muqdisho, waxaana lagu bixin jiray adeegyada daaweynta qaaxada iyo caafimaadka maskaxda. Waxaa la aasaasay xilligii gumeysiga, wuxuuna sii shaqeynayay intii uu socday dagaalkii sokeeye, iyadoo bulshada ay u arkaan astaan adkeysi iyo taariikh.

Inkasta oo dowladda ay horey u sheegtay in dhismayaashii hore loogu talagalay adeegyada dowladda loo isticmaalayo qorshe horumarin adeeg ah, hadana dadka dhaleeceynaya waxay sheegeen in wax adeegyo cusub ah aysan muuqan, gaar ahaan kuwa loogu talagalay dadka barakacayasha ah. Bishii Abriil, Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Haji Aadan ayaa dhagax dhigay xarun cusub oo loogu talagalay adeegyada degdegga ah, isagoo taas ku sheegay tillaabo lagu horumarinayo caafimaadka dadweynaha.

Khilaafka dhismaha hantida qaranka ayaa sababay baaqyo loo jeediyay baarlamaanka, si loo sameeyo baaritaan dhab ah loona caddeeyo heshiisyada la galay. Ururrada bulshada rayidka ah waxay dalbadeen in la shaaciyo shuruudaha iibka iyo cidda hantida loo wareejiyay.

Arrintan ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli cabashooyin badan laga muujinayo boobka dhulka dadweynaha ee magaalada Muqdisho. Siyaasiyiin hore, xildhibaanno iyo ururo bulsho ayaa sheegay in dhulalka dugsiyada, xafiisyada dowladda iyo xarumaha caafimaadka si sharci darro ah loo iibinayo ama loo siiyay ganacsato iyo qoysas siyaasad ahaan lugu xiran.

Bishii Janaayo, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo xildhibaan Abdirahman Abdishakur ayaa si wadajir ah u eedeeyay dowladda federaalka ah, iyagoo ku eedeeyay inay si sharci darro ah u rarayso dad rayid ah isla markaana ay ka iibisay dhul dowladeed dad gaar ah.

Toddobaad kadib, 97 xildhibaan oo ka kala socday labada gole ee baarlamaanka ayaa soo saaray bayaan wadajir ah, iyagoo si toos ah Villa Soomaaliya ugu eedeeyay musuqmaasuq iyo ku takri-fal hantida qaranka. Waxay sheegeen in dhul si gaar ah loogu asteeyay dugsiyo sida Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed iyo Dugsiga Ilays la wareejiyay ama la iibiyay iyadoo dowladda ay ka aamusan tahay.

Eedeymahan cusub ee la xiriira boobka hantida dadweynaha waxay imanayaan xilli Soomaaliya ay ku jirto dadaallo lagu dib-u-dhisayo hay’adaha dowladeed iyo lagu soo celinayo kalsoonida shacabka kadib tobanaan sano oo colaad iyo burbur dowladeed ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kulankii Villa Somalia oo fashilmay iyo xiisadda siyaasadeed oo sii kordhaysa

Dhanka kale, Puntland iyo Jubaland ayaa si rasmi ah u shaaciyay inay joojiyeen wadashaqeyntii ay la lahaayeen Dowladda Federaalka.

  • Soomaliya

    10-08-2025

  • 03:21PM

Fiqi: Dowlado Shisheeye ayaa ku caawinaya Al-Shabaab inay la wareegto Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan toban sano dagaal hubeysan kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    09-08-2025

  • 12:45PM