Ciidamada DFS oo ku dagaalamay Saldhiggii uu ka baxay Imaaraadka

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada kawada tirsan Militeriga dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ku dagaalamay Xerada Jeneraal Gordon, taasi oo dhawaan Imaaraadka kala baxay Tababariyaashiisa.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dagaal iska hor-imaad culus oo saldhiga ku dhexmaray Ciidamada, kuwaasi oo isku adeegsaday hubka culus.

Wararka ayaa sheegay in dagaalka uu salka ku hayo boob iyo dhac ay Askar katirsan dowladda kula kaceen agabkii military iyo qalabka kale ee saldhigga uga tageen Tababariyaashii Imaaraadka.

Sarkaal katirsan Militeriga oo ka gaabsaday magaciisa ayaa GO u sheegay in iska hor-imaadka uu qarxay kadib markii Saraakiil Ciidan oo watey Askar badan ay isku dayeen inay hub iyo saanad military kala baxaan Xerada General Gordon.

Wali lama oga khasaaraha dagaalka, mana jirto war kasoo baxay Taliska Ciiamada oo ku aadan boobka la sheegay in loo geestay Saldhigga.

Xeradan oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Banaadir ee degmada Hodon ayaa waxaa gacanta ku haysay dowladda Imaaraadka oo tan iyo 2014 tababar ku siinaysay cutubyo katirsan Ciidamada dowladda.

Abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka Cabdullaahi Cali Caanood ayaa maalin kahor shaaciyay in dowladda Soomaaliya ay la wareegtay saldhigga, islamarkaana ay buuxin doonaan kaalinta uu baneeyay Imaaraadka. Halkan ka akhri.

Arintan ayaa muujinaysa sida uu u nugul yahay amniga Soomaaliya, iyadoo Ciidamada qaranka ay yihiin kuwa dhismahooda ku saleysan qabiil, oo inta badan dagaallo ku dhexmara Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM