Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Image

Balad-Xaawo, Gedo – Wararka ka imaanaya magaalada Balad-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xaaladdu saaka tahay mid degan dhinaca amniga, inkasta oo xiisad milatari oo ba’an ay ka taagan tahay duleedka magaalada.

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo ka tirsan Jubaland ay ku hareereysan yihiin xero ciidan oo la sheegay in ay ku sugan yihiin illaa 85 ilaa 100 askari, kuwaas oo hoos yimaada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana amar qaata wakiilka cusub ee NISA u qaabilsan gobolka Gedo, Janan — wasiir hore oo ka tirsanaa Jubaland.

Saraakiil ka tirsan Jubaland ayaa sheegtey in ciidamadaasi loo jeediyey amar ah in ay is dhiibaan, haddii kalena lagu fulin doono weerar dhammaystiran. “Waxaan si cad u sheegnay in ciidamadaas si nabad ah isku dhibaan , haddii kale ay wajihi doonaan xoog ciidan,” ayuu yiri sarkaal Jubaland ah oo diiday in magaciisa la shaaciyo sababo amni awgood.

Ciidamada Jubaland ayaa xalay illaa saaka si isdaba joog ah ugu sii qulqulayay magaalada Balad-Xaawo, iyaga oo si buuxda u gaaray aagga xerada. Lama shaacin illaa hadda in uu dhacay weerar toos ah, balse xaaladda ayaa ah mid aad u kacsan.

Dhinaca kale, xog lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaysa in kulamo gaar ah ay xalay u dhexmareen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, kuwaas oo lagu lafa-guray xaaladda cakiran ee Balad-Xaawo. Ilo-wareedyadu waxay sheegeen in kulankaasi uu diiradda saaray suuragalnimada tallaabo milatari oo ay Villa Somalia qaado.

Tani ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Dowladda Federaalka horey ugu fashilantay isku daygii ay ku dooneysay iney xoog ku gasho magaalada Kismaayo, xarunta Jubaland, kaddib markii ciidamo laga keenay Muqdisho lagu daadgureeyey deegaanka Raas Kambooni—kuwaas oo si xun loogu jabiyey dagaal ay la galeen ciidamada Jubaland. Inta badan ciidamadaas ayaa markii dambe magangelyo siyaasadeed ka dalbaday dowladda Kenya.

Sidoo kale, warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in diyaarad militari oo siday ciidamo laga keenay Muqdisho ay ku degi weyday magaalada Garbahaarey kaddib markii ciidamada Jubaland ee ku sugan duleedka garoonka ay hanjabaad ku muujiyeen iney soo ridayaan haddii ay degto.

Gobolka Gedo, oo si rasmi ah uga mid ah Jubaland, ayaa tan iyo intii la dhisay maamulkaasi 2013-kii wajahaya faragelin joogto ah oo uga timaadda Villa Somalia. Sida ay cadeynayaan saraakiil iyo goobjoogeyaal maxalli ah, degmooyinka qaar ee gobolka waxaa maamula Jubaland halka kuwo kalena ay joogaan ciidamo is diidan oo kala taabacsan Dowladda Federaalka iyo Jubaland — iyagoo intooda badan kasoo jeeda beelaha deegaanka.

Xaaladdan cusub ayaa muujinaysa sii xumaanshaha xiriirka u dhexeeya Jubaland iyo Dowladda Federaalka, iyadoo laga cabsi qabo in iska horimaad toos ahi uu dhaco haddii xal diblomaasiyadeed degdeg ah la helin.


Garowe Online ayaa si dhow ula socon doonta wararka ka soo kordha gobolka Gedo.

Related Articles

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM

XOG: Xuseen Macalin oo isku-casiley faragelinta xafiiska Xasan Sheekh, balse laga diiday

Dooda ugu weyn ee mucaaradku qabaan ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud si aad ah gacanta ugu hayo maamulka...

  • Soomaliya

    22-07-2025

  • 07:36AM