Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah
BOOSAASO, Soomaaliya – Saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ayaa Arbacadii sheegay in in ka badan 700 dagaalyahan oo ajaanib ah lagu dilay hawlgal ballaaran oo ka socda Buuraha Cal Miskaad ee gobolka Bari, halkaas oo ah mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee kooxda ISIS (Daacish) ku leedahay Soomaaliya.
Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%, sida ay sheegeen saraakiisha Puntland. Waxaa la xaqiijiyay in kaliya shan dagaalyahan Soomaali ah ay ku dhinteen hawlgalladaas ilaa hadda.
Mohamed Cabdiraxmaan Dhaban'ad, oo ah la-taliyaha siyaasadda ee Madaxweynaha Puntland, ayaa tiradan ku shaaciyay wareysi uu siiyay Sky News, oo warbixin toos ah ka diyaarinaysa gudaha buuraha. Dhaban’ad ayaa soo bandhigay baasaaboorr laga helay dagaalyahannada, kuwaas oo kasoo jeeda in ka badan 20 waddan — oo ay ku jiraan qaar ka tirsan Yurub, Mareykanka, Afrika, iyo Aasiya.
Taleefanno gacanta iyo SIM-ka la helay ayaa muujiyay nolol maalmeedka dagaalyahannada ISIS ee ku dhuumaaleysanayay godadka buuraha. Wariyeyaasha Sky News ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya in dagaalyahannadu ay halkaas ku karinayeen cunto, ku haysteen qoysaskooda, ku kaydinayeen hub, isla markaana halkaas ku sameynayeen qaraxyo iyo gantaallo gacmeed. Saldhigyadaasi waxay sidoo kale lahaayeen qalab caafimaad, alaab carruurta loogu talagalay, iyo agab jimicsi — taas oo muujineysa in kooxdu qorsheynaysay joogitaan muddo dheer ah.
Dhaban’ad ayaa sheegay in dagaalyahanno badan ay si sharci darro ah ku galeen Soomaaliya, qaarna ay isu ekeeyeen qaxooti. Wuxuu xusay in ay jireen Itoobiyaan sheegtay magangelyo si ay ugu biiraan ISIS, iyo kuwo kale oo kasoo talaabay Yemen iyagoo la socda doonyo tahriibis ah oo aan wax dukumenti ah wadan.
Saraakiisha milateriga Puntland ayaa sidoo kale u sheegay Sky News in ay gacanta ku dhigeen boorsooyin lacageed oo digital ah iyo xog ku saabsan dhaqdhaqaaqyada lacagaha cryptocurrency, taas oo muujisay in ISIS Soomaaliya ay maalgelinaysay weerarro ka dhacay meelo kale oo caalamka ah — sida Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyo Mozambique. Mas'uuliyiin Maraykan ah ayaa rumeysan in laanta Soomaaliya ee ISIS ay ka mid noqotay ilaha ugu weyn ee dhaqaale ee kooxda ISIS ee caalamka.
Taliyaha ciidamada Puntland, Jeneraal Aadan Cabdi Xasan, ayaa uga digay caalamka in khatarta Daacish aysan ahayn mid ku kooban gudaha Soomaaliya oo keliya. Wuxuu si gaar ah ugu baaqay dowladda UK in ay si muuqata uga qeyb qaadato hawlgalka, isagoo xusay xiriirka dhow iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku nool. “Waxaan jeclaan lahayn in UK ay si toos ah nooga taageerto dhulka,” ayuu yiri.
Dagaalka socda ayaa muujiyay labada dhinac ee is diidan: xoogga iska caabinta ISIS iyo caqabadaha hor taagan ciidamada Puntland. Ciidamada ayaa lug ku maraya buuro halis ah oo qaraxyo la dhigay, waxaana dhaawacyada laga qaadaa saldhigyo ku meel gaar ah iyadoo la adeegsanayo diyaaradaha qumaatiga u kaca.
ISIS ayaa saldhig ka sameysatay Puntland, Soomaaliya sanadkii 2015, iyagoo deegaanno ka qabsaday Buuraha Cal Miskaad, kuna bilaabay hanjabaado iyo canshuur sharci darro ah oo ay ku saareen ganacsiyada Boosaaso. Hogaamiyaha kooxda, Cabdulqaadir Muumin, oo asal ahaan kasoo jeeda Puntland isla markaana horey u ahaa muwaadin British ah, ayaa la rumeysan yahay inuu hormuud u yahay shabakadda maaliyadeed ee ISIS ee caalamiga ah. Wuxuu dhowr jeer ka badbaaday duqeymo iyo isku dayo dil ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka.
GAROWE ONLINE