Ciidamada Puntland oo hawlgal ballaaran ka fulinaya godadka Daacish ee Calmiskaad

Image

BOOSAASO – Ciidamada ammaanka Puntland oo ay taageerayaan diyaaradahooda qumaatiga u kaca ayaa hawlgal ballaaran ka bilaabay deegaanka godadka Sadow, oo ku dhow ceelka Sadow ee dooxa Baalade, si ay u baacsadaan ugana sifeeyaan haraadiga ISIS ee halkaas ku dhuumaaleysanaya, sida ay saraakiishu sheegeen.

Hawlgalka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Puntland kula dagaalayso kooxda ISIS ee tan iyo 2015-kii saldhigyo ku lahaa buuraleyda Cal Miskaad. Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, ciidamada Puntland ayaa horay u guulaystay in muddo lix bilood ah ay la wareegaan dhul ballaaran oo ay horey ugu sugnaayeen dagaalyahanada ISIS, gaar ahaan buuraha Cal Miskaad.

Sida laga soo xigtay saraakiisha ammaanka ee Puntland, hawlgalka hadda socda ayaa ah mid si gaar ah loo bartilmaameedsanayo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha ka badbaaday weerarradii hore, waxaana la rumeysan yahay in qaar ka mid ah madaxda sare ee kooxda ay ku sugan yihiin deegaannada lagu beegsaday.

“Waxaan ku raad-joognaa kooxaha faraha ku tiriska ah ee isku dayaya inay dib isugu abaabulaan, mana ogolaan doonno in ay mar kale saldhig ka dhigtaan dhulka Puntland,” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Puntland oo codsaday in aan magaciisa la shaacin.

Hawlgalka waxaa sidoo kale lagu burburiyay godad iyo xarumo ay kooxda isticmaali jireen, iyadoo la soo wariyay in tiro ka tirsan dagaalyahanada ISIS lagu dilay, qaar kalena la qabtay.

Ciidamada Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyay ku guuleystay inay yareeyaan saamaynta iyo firfircoonida kooxda ISIS ee gobolka Bari, iyadoo hawlgallada la qorsheeyay ay sii socon doonaan maalmaha soo socda, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda amniga ee Puntland.

Puntland ayaa guulo ka gaartay dagaalka Daacish ee billowday bishii December 2024, iyadoo ka saartay Kooxda saldhigyo badan, kana dishay dagaalyahano iyo hogaamiyaal sare. Mareykanka iyo Imaaraadka ayaa ka caawinaya Puntland dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM

Soomaaliya oo Wajahaysa Marxalad Xasaasi ah iyadoo aan Laheyn Waddo Cad oo Doorashada ah

Arrintan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo xasilloonida siyaasadeed iyo kala-guurka dimoqraadiyadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    05-06-2025

  • 02:53PM