Ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM oo la wareegay degmada istaraatiijiga ah ee Awdheegle

Image

MUQDISHO, Soomaaliya — Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) oo kaashanaya ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya (AUSSOM), gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda, ayaa Sabtidii si buuxda ula wareegay degmada istaraatiijiga ah ee Awdheegle, oo ku taalla gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo loo bixiyay “Duufaanta Aamusan” ayaa maalmahan ka socday deegaanno dhowr ah oo hoos yimaada maamulka Koonfur Galbeed, ujeeddadiisuna tahay in laga saaro kooxda Al-Shabaab meelaha ay weli kaga sugan yihiin gobolkaas.

Bayaan kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ay si buuxda ula wareegeen Awdheegle, isla markaana ay hadda ka wadaan gudaha degmada howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah hawlgalka AUSSOM ayaa saaka gudaha u galay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo sii wada howlgalka qorshaysan ee ‘Duufaanta Aamusan’,” ayaa lagu yiri warka rasmiga ah.

La wareegidda Awdheegle waxay calaamad muhiim ah u tahay wejiga socda ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida. Maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM ayaa qabsaday tuulooyin dhowr ah oo hoos taga Awdheegle, iyagoo jaraya marinadii muhiimka ahaa ee kooxdaasi u adeegsan jirtay dhaq-dhaqaaqyadeeda.

Kooxda Al-Shabaab wali kama aysan hadlin qabsashada Awdheegle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM