Ciidamada Soomaaliya iyo Jubaland oo ku dagaalamay Raaskambooni

Image
Labada dhinac ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalkii saaka oo wali fahfaahin buuxa aanan laga helin.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa la wareegey gacan ku haynta Manaraani oo ay ahayd difaaca 1aad ee taliska Raas-gambooni iyo deegaanka Oodow oo ahayd ceelbiyoodka ciidanka dowladda Soomaaliya ay geysey Raas-gambooni.

Maamulka Jubbaland wuxuu sheegay inuu iska caabiyey duulaan kaga yimid ciidanka DFS ee ku sugan Raas-gambooni, inkastoo aysan dowladda Soomaaliya faahfaahin ka bixin dagaalka saaka ka dhacay aaggaasi iyo cidda weerarka soo qaadday.

"42 askari oo Gogor katirsan ayaa isku soo dhiibay Ciidamada Jubaland, si wanaagsan ayaana loola dhaqmi doonaa Insha allah, mas'uuliyadda dagaalka socda waxaa qaadi doono Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamza Cabdi Barre," ayuu yiri Wasiirka warfaafinta Jubaland Cabdifataax Maxamed Mukhtaar.

Dhanka kale, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadday in ciidanka Daraawiishta Jubbaland ay weerar ku soo qaadeen ciidankeeda ku sugan deegaanka Raas-gambooni ee degmada Badhaadhe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM

Mareykanka oo sheegay in aan horumar laga gaarin amniga Soomaaliya

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale ku baaqay in dhammaan heerarka maamulka dalka — oo ay ku jiraan dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 09:38AM