Ciidamada Soomaaliya oo gubay gaari qarax lagu soo rakibay

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidanka Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah wuxuu sheegay in ay gubeen gaari noociisu yahay Saaruf oo lagu soo xiray waxyaabo qarxa.

Sidda laga soo xigtay taliska, gaariga oo uu waday naftii halige ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa lagu gubay degaanka Tooratoorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, taliyaha guud ee ciidamadda Soomaaliya oo u waramay Idaacada ku hadasha afka ciidanka, ayaa sheegay in ciidanku hayeen xogta gaariga.

"Ciidanka kumaandooska Danab ayaa howlgal ay saaka sameeyeen waxay ku guuleysteen in ay ka hortagaan falkaas argagixiso," ayuu yiri. "Gaariga wuxuu kusii jeeday Muqdisho".

Balse, taliyaha ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan qaabka loo gubay gaariga iyo aaladda ay adeegsadeen ciidanka Danab ee Mareykanka uu tababaray.

Sawirro iyo muuqaalo ay baahisay warbaahinta dowladda oo la sheegay in laga soo qaadey goobta lagu gubay gaariga ayaa muujinaya Uuro cirka isku sii shareereysa.

Gubida baabuurka ayaa kusoo hagaagaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino dhanka ammaanka ah oo ku saabsan in Al-Shabaab qaraxyo gaari ay fulin karto.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM