Ciidamada Soomaaliya oo ka hortagay weerar ay soo qaadey kooxda AS

Image
Ugu yaraan afar askari ayaa ku nafwaayay weerarka ka dhacay magaalada Masagawaa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadda xoogga iyo dadka degaanka ay ka hortageen weerar ay Al-Shabaab ku qaadey xero ku taalla gobolka Galgaduud.

Weerarkan ayaa waxaa lagu qaadey saldhiga ciidamadda magaalada Masagawaa ee Bariga Gobolka Galguduud halkaasoo ay ka dhasheen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku nafwaayay weerarka halkan toban xubnood Al-Shabaab ah ay ku geeriyoodeen, sidda ay saxaafada u sheegeen saraakiil dhanka ammaanka ah.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA DOWLADDA

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa degaanka ayaa ka hortagay weerar maleeshiyaadka Khawaarijta isku dayeen inay kusoo qaadaan magaalada Masagawaa ee Bariga Gobolka Galguduud.

Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo kawar qabay weerarka ayaa cashar u dhigay maleeshiyaadkii Khawaarijta ee la soo qalday, ciidamada ayaa sii daba jooga firxad  argagixisada waxayna howlgal ka wadaan dhulka ku teedsan degaanka Dhabaqle.

Dhamme Maxamed Ereg oo kamid ah saraakiisha Guutaadda 77-aad ee Ciidanka XDS ee ku sugan magaalada Masagawaa ayaa Warbaahinta dowladda u sheegay in khawaarijta la gaarsiiyay khasaare xooggan, haddana ay socoto tirinta dhagarqabeyaashii lagu laayey halkaas.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sidaan oo kale dhoor jeer khawaarijta ku jabiyay Gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyagoo khasaare xooggan gaarsiiyay khawaarijtii soo qaaday weerarrada naf lacaariga ah.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM