Ciidamada Soomaaliya oo Muqdisho ku fashiliyey weeraro "abaabulan"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Booliska Soomaaliya ayaa Isniinta maanta ah shaaciyey in koonfurta Muqdisho, si gaar ah degmada Hodan meel ku dhow isgoyska Banaadir ay kaga hortageen "weeraro argagixiso oo abaabulan".

Xoogaga dowlada federaalka ah ayaa tilmaamay in ay fashiliyeen gaari lagu soo rakibay walxo qarxa oo darawalka uu damcey in uu si xoog ah ku dhaafo bar kontarool oo ay joogeen ciidamadda nabad-gelyadda.

Balse markii ay suurogeli wayday ayaa lagu waramayaa in uu waddo kale u wareeg-sadey isla markaana uu baabuurka dhigay goob aysan cidna joogin.

Inkasta oo la isku khilaafsan yahay hadii darawalka uu saarnaa gaariga, Goobjoogeyaal aad ula socdey xaaladda ayaa soo wariyey ciidamada oo meesha yimid ay fareen in aan loo dhowaan.

Muddo lagu qiyaasay saacad kadib, gaariga ayaa qarxey. Ma jiro waxyeelo nafeed marka laga reebo burbur xoog leh oo soo gaarey guryo rayid iyo dhismeyaal ka akdhowaa goobtaasi.

Daqiiqado kadib qaraxaasi, waxaa goob aan ka fogeen halka uu gaarigu ku qarxey oo ah xaafada Seybiyaano si gaar ah bar gaadiidka lagu hubiyo waxaa isku rasaaseeyay dabley iyo ciidamadda.

Al-Shabaab oo qiratay in dableyda ay iyaddu ka tirsanaayeen ayaa sheegatay guul, wallow hay’addaha ammaanka ay tibaaxayaan in ay iska caabiyeen duulaankaasi kaga yimid kooxdaasi gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

Warar madax banaan ayaa xaqiijinaya in laba dabley iyo hal askari oo boolis ah ay ku geeriyodeen tacshiiradda, iyadda oo ay jirto dhaawac soo gaarey shacab.

Inkasta oo laamaha amnigu ay sidaasi rumeysan yihiin, hadana lama xaqiijin karo hadii qaraxa la fashiliyey iyo ragga hubeysan ay isku qorshe ahaayeen isla markaana uu bartilmaameedkoodu uu ahaa mid.

Fashilinta weeraradan ayaa imaanaya iyadda oo ammaanka magaala madaxda dalka dhaca Geeska Afrika aad loo adkeeyay isla markaana kontaroolada gudaha caasimada la badiyey loona daabulay ciidamo dheeri ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM