Ciidamadda oo maxkamad "ka burburiyey" Al-Shabaab

Image
Howlgalkan ayaa waxaa qaadey cutubyo ka kala tirsan ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Duufaan.

WANLAEYN, Koonfur Galbeed - Ciidamadda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxay ku burburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahayd degaan ku dhow gobolka Banaadir, sidda ay wararku sheegayaan.

Howlgalkan oo ay ka qeybgalaan cutubyo ka kala tirsan ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Duufaan ayaa dhacay aroornimadii Isniinta maanta ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudadii uu socdey howlgalkan ay ku dileen tirro dagaalameyaal ka tirsan kooxda argagixisadda ah.

Saraakiil dhanka ammaanka ah oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen tirro dagaalameyaal ah

"Degaanka Basra oo howlgalka ka dhacay ayaadhaca halka ay iska galaan Gobalada Banaadir, Sh/Hoose iyo Sh/hexe," ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogolayn la hadalka saxaafada.

Sarkaalkan oo si dhow ula socda howlgalkan ayaa wuxuu raaciyey: "Qaar kamid ah Madaxdii maxkamaddan oo katirsanaa Al Shabaab ayaa la dilay, la dhaawacay qaarna la qabtay".

Howlgalkan ayaa u muuqda mid jawaab u ah dhaqdhaqaayadda maalmihii lasoo dhaafay ay wadday maleyshiyadda Al-Shabaab kuwaasoo beegsadey xarumo ciidan iyo dad shacab gudaha gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM