Ciidamadda oo maxkamad "ka burburiyey" Al-Shabaab

Image
Howlgalkan ayaa waxaa qaadey cutubyo ka kala tirsan ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Duufaan.

WANLAEYN, Koonfur Galbeed - Ciidamadda Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan waxay ku burburiyeen maxkamad ay Al-Shabaab ku lahayd degaan ku dhow gobolka Banaadir, sidda ay wararku sheegayaan.

Howlgalkan oo ay ka qeybgalaan cutubyo ka kala tirsan ciidamadda booliska sidda gaarka ah u tababaran ee Haramcad iyo Duufaan ayaa dhacay aroornimadii Isniinta maanta ah.

Qoraal kooban oo kasoo baxay ciidamadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mudadii uu socdey howlgalkan ay ku dileen tirro dagaalameyaal ka tirsan kooxda argagixisadda ah.

Saraakiil dhanka ammaanka ah oo u waramay warsidaha Garowe Online ayaa sidoo kale waxay hoosta ka xariiqeen in ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen tirro dagaalameyaal ah

"Degaanka Basra oo howlgalka ka dhacay ayaadhaca halka ay iska galaan Gobalada Banaadir, Sh/Hoose iyo Sh/hexe," ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa uga gaabsadey in aan loo ogolayn la hadalka saxaafada.

Sarkaalkan oo si dhow ula socda howlgalkan ayaa wuxuu raaciyey: "Qaar kamid ah Madaxdii maxkamaddan oo katirsanaa Al Shabaab ayaa la dilay, la dhaawacay qaarna la qabtay".

Howlgalkan ayaa u muuqda mid jawaab u ah dhaqdhaqaayadda maalmihii lasoo dhaafay ay wadday maleyshiyadda Al-Shabaab kuwaasoo beegsadey xarumo ciidan iyo dad shacab gudaha gobolka Hiiraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM