Ciidamadda Soomaaliya oo dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 16 ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la dilay markii ciidamada Soomaaliya ay weerareen goobo ay maamusho kooxdaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay shaaciyeen in gulufka uu Axadii ka dhacay tuulooyin ku dhow degaanka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in khasaaraha dhimashadda uu intaasi ka badan karo.

"Guutada 66aad oo howlgalo rondo ah ku jiray waxay maanta howlgal kadis ah ay ku dileen 16 kamid ahaa argagixisadda, hareeraha Awdheegle," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo uu arkay GO.

Arbacadii ayay ahayd markii afar ka tirsanaa Al-Shabaab la khaarijiyey markii milatariga uu ekeeyay saldhig ay xoogaga ku lahaayeen isla Awdheegle.

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada dowladda oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Talaadadii ayay ahayd markii Ciidanka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Awdheegle, taasi oo 70 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xiga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM