Ciidamadda Soomaaliya oo dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Ugu yaraan 16 ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa la dilay markii ciidamada Soomaaliya ay weerareen goobo ay maamusho kooxdaasi, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Saraakiisha oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa waxay shaaciyeen in gulufka uu Axadii ka dhacay tuulooyin ku dhow degaanka Awdheegle ee gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Ciidamada Xoogga dalka oo war-saxaafadeed soo saarey ayaa wuxuu daboolka ka qaadey in khasaaraha dhimashadda uu intaasi ka badan karo.

"Guutada 66aad oo howlgalo rondo ah ku jiray waxay maanta howlgal kadis ah ay ku dileen 16 kamid ahaa argagixisadda, hareeraha Awdheegle," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo uu arkay GO.

Arbacadii ayay ahayd markii afar ka tirsanaa Al-Shabaab la khaarijiyey markii milatariga uu ekeeyay saldhig ay xoogaga ku lahaayeen isla Awdheegle.

Geesta kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan sheegashada dowladda oo kasoo baxay dhinaca dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.

Talaadadii ayay ahayd markii Ciidanka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay qabsadeen degaanka muhiimka ah ee Awdheegle, taasi oo 70 KM dhanka Koonfur Galbeed ka xiga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Saddex qof oo ku dhintay dagaal ka dhacay Beled Xaawo

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Janan uu hadda ku sugan yahay xero ciidan oo ku taal magaalada Balad-Xaawo.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 09:35AM

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo loo magacaabayo Taliyaha Ciidanka - XOG

Garowe Online ayaa si dhow ula socon doona isbedellada ku saabsan magacaabistan suurtagalka ah,waana soo gudbin doontaa wixii soo kordha.

  • Soomaliya

    26-07-2025

  • 07:02AM