Ciidamadda Soomaaliya oo sheegtay dilka 30 xubnood ka tirsanaa AS

Image
Dagaalameyaasha la dilay waxaa kamid ah horjooge Maxamed Bashiir Muuse oo loo yaqaan Mukhtaar.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya maleeshiyaad deegaanka ah ayaa dilay ku dhawaad ​​30 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgal ay ciidamadu ka sameeyeen koonfurta gobolka Mudug, sida ay shaacisay Wasaaradda Warfaafinta.

Maleeshiyaadkii lagu dilay howlgalkii ka dhacay tuulada Qayaad ayaa waxaa ka mid ahaa Maxamed Bashiir Muuse oo loo yaqaan Mukhtaar oo hoggaaminayay ciidamada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaas iyo Maadey Foodey oo u qaabilsanaa diyaarinta walxaha qarxa ee lagu dhibaateynayo shacabka ku dhaqan gobolka Mudug.

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in 40 kale lagu dhaawacay howlgalkaasi, kaasi oo qeyb ka ah duullaanka ay dowladdu ku qaadeyso kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda.

Howlgalkan ayaa daba socda qarax ismiidaamin ah oo labo maalmood ka hor ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Maqaayad ay dad badan ku sugnaayeen oo ku dhow Dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye, waxaana ku dhintay 7 qof, lix kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, iyadoo ay sii wadatay ololaheeda qalalaasaha ee muddada dheer ay ku dooneysay inay ku burburiso dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM

Soomaaliya: Ciidamo lagu daadiyay Muqdisho kahor doorashada lagu muransan yahay

Mas’uuliyiin amni ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo looga hortagayo falal carqaladeyn kara doorashada.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 02:07PM