Ciidamadda Soomaaliya oo "taageero toos ah" loo dalbay

Image
Danjire Richard Mills, Ku-xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay

NEW YORK, United States - Dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay waa in ay si toos ah u taageeraan ciidanka Soomaaliya si looga adkaado Al-Shabaab, sidda uu ugu baaqay Mareykanka.

Danjire Richard Mills, Ku-xigeenka Wakiilka Maraykanka ee Qaramada Midoobay, ayaa hadalkan wuxuu sheegay xilli ka hadlayay shirkii arrimaha Soomaaliya ee golaha amnigu yeeshay Arbacadii shalay.

Wakiilka Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa ee arrimaha Soomaaliya, James Swan, ayaa warbixin ka siiyey golaha xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo bini'aadanimada.

Mills oo hadlay kadib hadal-jeedinta Swan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay tahay "walbahaarka ugu weyn" ee nabad-gelyadda Soomaaliya wuxuuna ku baaqay in lagu qaado dagaal mideysan.

"Waxaa naga go'an inaan u isticmaalno wax kasta oo la heli karo si aan ula dagaalanno argagixisada, oo ay ku jiraan taageerada tooska ah ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo ciidamada amniga Soomaaliya, iyo sidoo kale ka faa'ideysiga cunaqabateynta Soomaaliya ee 751 si aan u cunaqabateyno horjoogeyaasha al-Shabaab ee weli khatarta ku ah nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo Bariga Afrika oo dhan. Dowladaha kale ee xubnaha ka ah [golaha] waa in ay sidaas sameeyaan," ayuu tibaaxay.

Maamulka madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in uu Al-Shabaab ku qaadayo dagaal saddex geesood ah kuwaasoo isugu jira mid dhanka dhaqaalaha ah, dhanka ciidamadda iyo duulaanka dhanka caqiiada ah.

"Mareykanka waxaa ka go’an inuu taageero dadaallada ay Soomaaliya hormuudka ka tahay ee looga adkaanayo Al-Shabaab," ayuu hadalkiisa kusii daray danjire Mills oo aad uga gaabsadey arrimaha la xiriira siyaasada Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM