Ciidamo horleh oo laga dejiyey Gedo xilli Jubaland ay ka digtey

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Sabtida maanta ah waxay mar kale ciidamo, gaadiid dagaal iyo hub ay ku daabushay gobolka Gedo ee hoostaga maamulka Jubaland.

Sidda ay warbixinaddu caddeynayaan, askartan oo laga qaadey magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa laga dejiyey garoonka diyaaradaha magaaladda Doolow kuna dhow xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Shalay ayay ahayd markii sidaan oo kale diyaarad wadda ciidan, gaadiid dagaal iyo hub ay ka degtay isla madaarkaas loona qeybiyey magaalooyinka ku teedsan.

Isla diyaaraddaas, sidda ay xoguhu tibaaxayaan, waxaa lagu soo daabulay dhalinyaro Muqdisho loo keenayo tababar si dhankooda loogu daad-gureeyo gobolka Gedo marka tababarka uu u dhamaado.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan askartaan oo kasoo baxay dhanka Taliska ciidamadda Soomaaliya.

Gobolka Gedo oo xudun u ah is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka Soomaaliya ayaa ah qodobka kaliya ee fashiliyey wadaxaajoodyadii u dambeeyay oo ay yeesheen madaxda Soomaalida.

Jubaland oo si kulul u cambaareysay ciidanka dowladda ku daabusgay gobolka Gedo ayaa ku sifeysay "ayaan darro in ayadda oo ay jirto xaalad abaaro ay hurineyso colaad halkii ay gurmad la gaari lahayd dadka shacabka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM