Ciidamo Mareykanka ah oo lagu weeraray nawaaxiga Muqdisho

Image

MUBARAK, Soomaaliya - Ciidamo Mareykanka ah oo ay wehliyaan kuwa Danab, ee xoogga dalka Soomaaliya, ayaa lagu weeraray degaanka Mubaarak, ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida uu xaqiijiyay Taliska Mareykanka ee Africa.

Qoraal kasoo baxay Africom maanta oo Khamiis ah ayaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ah lasoo weeraray iyagoo howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka wadey Mubaarak oo 37 mile dhanka Galbeed uga beegan Muqdisho.

Howlgalka oo dhacay 11-ka bishaan September waxaa war kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika, kaasoo loosoo gaabiyo AFRICOM lagu sheegay inuu ku dhintay Askar Soomaali, xili uu beeniyay in lagu dilay Askari Ameerikaan.

Howlgalka AFRICOM ayaa sheegay in kadib duulaanka uga yimid Al-Shabaab ay qaadeen weerar dhanka cirka ah kaasoo jawaab u ah weerarka, ayna ku dileen Labo dagaalame oo Al-Shabaab xili uu ku dhaawacmay mid kale.

Ciidamada Mareykanka ayaa markii weerarka la kulmeen dalbaday diyaarado dagaal si ay dhanka hawada uga taageeraan, waxaana usoo gurmaday Askar American ah oo ku sugnaa saldhigga Ballidoogle, oo aan ka fogeyn Mubaarak.

Tan iyo markii bilaabatay bishaan September in ka badan saddex duqayn ayaa laga soo wariyey degaano iyo degmooyin ka tirsan dalka, inasta oo qaarkood aanan jirin fahfaahin rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhabta ah oo ay geysteen.

Xalay ayey ahayd markii diyaarado joog hoose ku duulaya ay duqayn ka fuliyeen tuulooyin Galbeedka uga beegan caasimad goboleedka Shabeellaha Dhexe ee Jowhar, taasoo lala beegsaday Goobo lagu tuhmayo inay ku sugnaanyeen xubno Shabaab ah.

Bishii June ee sanadkan, Askar kamid ahaa ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa lagu dilay weerar Al-Shabaab ku qaadey saldhig military, oo ku yaalla degaanka Sanguuni, oo 50-KM dhanka waqooyi uga beegan Kismaayo.

Waxaa ka horeeyay Askari kale oo isna May 2018 ku dhintay howlgal ciidamada Mareykanka iyo kuwa Danab ay ka fuliyeen Tuulada Bariire, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ku weerareen Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM