Ciidamo qarax lagula beegsadey gobolka Shabeelaha Hoose

Image
MUQDISHO ( GO) - Kolanyo ay la socdeen ciidamadda dowladda Soomaaliya oo mareysay wadada xeebta ah ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qarax lagu weerarey.
 
Qaraxa oo loo adeegsaday Miino nooca dhulka lagu aaso ah ayaa laga soo wariyey inuu ka dhacey inta u dhaxeysa degaanadda Dhanaane iyo Jazeera oo Koonfur Galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.
 
Dagaalyahanada hubeysan ee Al-Shabaab oo dhabarka saartey mas'uuliyadda weerarkaan ayaa cod dheer ku sheegay inay ku dileen Sideed Askari ciidamada Soomaalida ayna ku dhawaaceen Shan kale.
 
Sarkaal u hadley xoogaga gacan-saarka la leh shabakadda Al-Qaacidda ayaa tibaaxey in qaraxa oo ahaa mid culus ay sidoo kale ku gubeen Gaari uusan shaacin nooca uu ahaa.
 
Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaShabeelaha Hoose  ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah ee Muqdisho in Askarta ku dhaawacantey qaraxa loola soo cararey qaarkood Isbitaalo ku yaala caasimada, si loogu daaweeyo.
 
Al Shabaab ayaa kordhiyay weerarada qaraxyada loo adeegsado ee ciidanka dowladda ay kula eegtaan degaanada ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, taasoo ka dambeysay kadib markii uu hoos u dhaceen weerardii ka dhanka ahaa kooxahaan.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Shir-guddoomiyey Shirka Horumarinta Garsoorka

Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda si weyn loogu saaray sidii loo xoojin lahaa nidaamka caddaaladda iyo hufnaanta garsoorka.

  • Soomaliya

    01-03-2026

  • 11:45AM

Warbixinno uu Trump ka Sheegay Iran oo Sirdoonka Mareykanka Shaki Geliyey

Afhayeenka Aqalka Cad, Anna Kelly, ayaa difaacday hadalka madaxweynaha, iyadoo…

  • Soomaliya

    27-02-2026

  • 11:01PM