​Ciidamo Turkish ah oo soo gaarey magaalada Muqdishu [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ciidamo Military ah oo ka socda dalka Turkiga ayaa soo gaarey magaalada Muqdishu, kuwaasi oo hordhac u ah Askar badan uu kusoo wajahan dalka Somalia maalmaha soo socda.

Ciidamadan oo gaaraaya 200 oo Askari, oo wata Hub casri ah, ayaa kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdishu, iyagoo la socday Diyaarad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines.

Waxay loo daabuley Askartan Saldhigga cusub ee dowladda Turkiga ka dhisatay Deegaanka Jazeera, ee duleedka Muqdishu, kaasi oo la filaya in si rasmi ah loo furo bisha soo socota ee September, 2017.

Furitaanka Saldhiigan, oo ah midkii ugu ballaarnaa oo Turkiga uu ka sameysto Qaaradda Africa, ayaa la filayaa inuu kasoo qeybgalo Madaxweyne Erdogan, iyo Mas'uuliyiin sare oo ka socda dowladda Turkiga.

Safiirka Turkiga ee Somalia, Olgan Bekar, ayaa sheegay in Saldhiggan uu yahay mi Tababarayo Ciidamada Xoogga dalka Somalia, balse uusan aheyn mid Military oo lamid ah kan ay ka sameysteen dalka Qadar.

Olgan Bekar ayaa intaasi ku daray in Ciidamada Turkiga ee imaanaya Somalia ay yihiin oo kaliya Tababariyaal, islamarkaana aysan ka qeyb-qaadan doono Howlgalka Ciidamada AMISOM, Mareykanka iyo kuwa dowladda Somalia, ee lagula dagaalamaya Xoogaga Al shabaab.

Turkiga ayaa Dowladda Federaalka ka caawiya dhinacyada dhaqaalaha iyo Ciidanka, waxaana uu dalkiisa Tababar ku siiyay, kuna siiyaa hadda Askar badan, oo katirsan Booliska, iyo Ciidamada Cirka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM