Ciidan uu Qoorqoor dalbadey oo laga dejiyey Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Ciidamo uu horkacayo taliyihii hore booliiska gobolka Banaadir, Saadaq Joon, ayaa Isniintii todobaadkan laga dejiyey madaarka diyaaradaha caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Sida ay sheegeen laba illo wareedyo oo si dhow ula socda kiiskan, askarta, oo lagu qiyaasayo 100 askari, ayaa diyaarad gaar ah iyaga iyo hubkooda waxay ka qaadey garoonka diyaardaha magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah illo wareedyadda ayaa intaas ku daray in madaxwayne Qoorqoor uu codsadey ciidamaddan "maadaama ay dhowaan bilaabaneyso doorashooyinka lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka dalka".

Qoorqoor ayaa, sida ay xoguhu caddeynayaan, wuxuu dalabkan hor-dhigay ra'iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble "kaasoo si biyo-kama-dhibcaan oo hadal kasoo celin aan lahayn ku meelmaryey soojeedintaas".

Saadaq Joon oo dhowaan kasoo laabtey socdaal dhanka dibada ah kaasoo la rumeysan yahay in uu dalal dhowr ah kusoo maray ayaa ku jiray saraakiishii diidey muddo kororsigii sharci darada ahaa ee Farmaajo.

"Waxaa la filayaa in maalmaha soo aadan ay ciidan kale oo horleh iyo hubkooda ay gaaraan Dhuusamareeb. Balse, ma cadda cidda ay sida tooska ah uga amar-qaadanayaan askartan," ayay raaciyeen illo wareedyada.

Lama ogga haddii Qoorqoor uu dalabkiisa ku wargeliyey Villa Soomaaliya iyo agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Daahir, oo dano weyn ka leh doorashooyinka Dhuusamareeb.

Maamulka Farmaajo ayay dharbaaxo kulul ku noqon kartaa haddii aysan la socon qorshahan ciidan, balse, haddii ay ogaanshiyahooda loogu daabulay waxay waa cusub ku baryineysaa musharaxiinta dhinaca mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM