Ciidanka DF oo weeraray Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Sheekh ayaa sheegay in hotel ay isaga iyo Sheekh Shariif ku sugnaayeen ay soo weerareen Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaal ayaa ka dhacay hotel-ka Maida kaasoo u dhaxeeya Ciidanka ilaalada u ah labada Madaxweyne hore, oo hogaaminaya mucaaradka la filayo inuu Jimcaha ka dhaco Daljirka Dahsoon.

"Ciidanka dowladda ayaa caawa weerar ku soo qaaday hotel Maida oo aan ku sugannahay aniga Sheekh Shariif. Waa nasiib darro in madaxweynaha xilkiisu dhamaaday daadinayo dhiigga muwaadiin isu diyaarinayo bannaan baxaya nabadeed oo ay aragtidooda ku cabbirayaan," ayuu yiri Xasan.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana joogsaday markii dambe rasaasta socotay daqiiqadaha oo Muqdisho oo dhan laga maqlayay.

Farmaajo ayaa lagu eedeeyay inuu mas'uul ka yahay marxaladda uu hadda dalka ku jiro, kadib markii uu diiday inuu heshiis la gaaro Madaxda dhaliishan hanaanka uu doorashadda u maamulayo.

Mucaaradka ayaa sheegay inay qabanayaan banaanbax ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku dalbadaan in la dedejiyo doorashadda, lana ilaaliyo dastuurka dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wariye Soomaaliyeed oo ruug-caddaa ahaa oo lagu dilay Jarmalka

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa tacsi u dirtay qoyska, ehelada iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed ee uu ka baxay Mudey.

  • Soomaliya

    19-09-2026

  • 05:02AM

Soomaaliya : Facebook oo mar kale laga waayay codadka ka aragti duwan DF- ka ee muddo dhaafka ah

Dhacdooyinkani ma aha kuwo cusub. Dabayaaqadii 2024, ururrada warbaahinta…

  • Soomaliya

    18-09-2026

  • 01:45PM