Ciidanka Difaaca Puntland oo Hawlgallo Xoogan Ka Wada Cal-Miskaad

Image

BOOSAASO, Soomaaliya - Taliska guud ee ciidanka difaaca Puntland ayaa shaaca ka qaaday in hawlgallo xoogan ay maanta ka socdaan inta u dhexaysa deegaamada Qurac iyo Dharin ee buuraleeyda Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhuumaalaysanayaan xubno katirsan kooxda Daacish.

Qoraal ka soo baxay taliska ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay si guul leh ula wareegeen saldhigyo muhiim ah, iyagoo sidoo kale ku diley dhagarqabayaal ajaaniib ah. "Ciidanku waxay maanta hawlgal ka wadaan inta u dhexaysa Qurac iyo Dharin iyo deegaannada ku harareysan Togjaceel. Durba saldhigyo ayeey ciidanku xoog kula wareegeen. Ajaanib badan ayaa la dilay," ayaa lagu yiri war ka soo baxay taliska.

Dhanka kale, maamulka degmada Qandala ayaa sheegay in ciidanka Puntland ay gacanta ku dhigeen deegaanka Qurac, oo saldhig muhiim ah u ahaa kooxaha nabaddiidka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa ka gaabsatay inay taageero siiso Puntland dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, iyadoo aysan muujin taageero rasmi ah ama ciidamo si toos ah uga qeybqaata howlgallada socda.

Taas beddelkeeda, dowladda Federaalka ayaa hoos u dhigtay guulaha ay ciidanka Puntland ka gaareen dagaalka, iyadoo qoraallada ay soo saarto ka ilaaliso inay ku xusto dadaallada ay wado dowladda Puntland.

Arrintani waxay muujineysaa in dowladda Federaalka ay siyaasadeynayso dagaalka Daacish xili uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya Puntland iyo Villa Somalia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM